Sawir Galaaftay Safiirkii Somaliland oo Uk

0

Sawir Galaaftay Safiirkii Somaliland oo Uk

Wakiilkii Somaliland ee Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamuud, waxa xilka laga qaaday Laba iyo toban saacadood kaddib markii ay barteeda Facebook iyo Twitter soo dhigtay sawir ay kula jirto guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Ayaan waxay Cabdiqaadir Jirde ku sifaysay Xaaji Cabdiwaraabaha labaad ee Somaliland iyo qof ay ku jeceshahay in uu danta dalka iyo dadka ka horaysiiyo danihiisa.
Kamaal Axmed Cali guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika oo arrintan faallo kooban kaga bixiya bartiisa Facebook ayaa ishaaray in ay labadan dhacdo xidhiidh ka dhexeeyo oo sawirkaasi galaaftay Ayaan.
Amb Ayaan ku mashquulsanayd dadaallo lagu midaynayay bulshada Somaliland ee Qurbaha muxaafad iyo mucaarad ba si xanafta looga dhex saaro waana sababta dad badan ula yaabban yihiin xil ka qaadisteeda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.