Saraakiil ka Tirsan Booliska Somaliland oo Tababar ku Qaatay Dalka Ireland

0

Dublin (Sayruuq)- Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar kor loogu qaadayey aqoontooda maamul ee dhinaca ammaanka badaha loogu qabtay dalka Ireland ee qaaradda Yurub.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda EUCAP Nestor oo dalalka Geeska Afrika ka caawisa dhismaha iyo awoodda ciidammada ilaalinta badaha shalay, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Somaliland ayaa tababar muddo 10 maalmood ah u socday ku soo qaatay dalka Ireland intii u dhexaysay 9 – 17 May 2015.

“Laga soo bilaabo May 9keedii ilaa 17keedii saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, ayaa ka qayb-galay kooras tababar ah oo uu abaabulay EUCAP Nestor oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ireland.

Natiijada laga filayo tababarrada noocan oo kale ah waa in ay caawiyaan saraakiisha booliska Somaliland si loo xoojiyo awoodda fulinta sharciga badaha oo lagu taageerayo xeeb-ilaalinta Somaliland.

Ujeeddada kale ee hawshani waa in kor loogu qaado wada-shaqaynta u dhexaysa hay’adaha Soomaaliyeed ee amniga badda iyo booliska ku dhex jira hay’adaha kala duwan ee gobollada Soomaaliyeed.

Koorsada oo lagu qabtay Ireland, ujeeddadiisuna tahay la-talin ku saabsan muhiimadda ay leedahay isku-dubbarididda, iskaashiga iyo wadaagidda macluumaadka ka mid ah hay’adaha laamaha amniga.

Waxa ka mid ah mawduucyada tababarka lagu qabtay Ireland waa: xirfadaha maamulka, noocyada la-shaqaynta bilayska calaamka, bulshada, jinsiga iyo xuquuqul-insaanka, la-macaamilka hay’adaha kale, daacadnimada iyo anshaxa.

EUCAP Nestor waa ergo rayid ah oo hoos-timaad siyaasadda ku salaysan ammaan-wadaagga iyo difaaca, una adeegta waddamada ku yaal Geeska Afrika iyo galbeedka Badwaynta Hindiya, sidii kuwaasi u horumarin lahaayeen awoodda isku-fillaansha ah iyo xoojinta sare oo amniga badda ah si looga hortago budhcad-badeedda iyo kor-u-qaadidda maamulka badaha,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed hay’adda EUCAP Nestor soo saartay shalay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.