Samaale & Xaashi Oo Si Habrasho Leh Ula Hadlay Biixi

0
Samaale & Xaashi Oo Si Habrasho Leh Ula Hadlay Biixi

Samaale & Xaashi Oo Si Habrasho Leh Ula Hadlay Biixi
Boorama(Sayruuq) Siyaasiyiinta Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, islamarkaana hore u muujiyay hankooda guddoomiyaha KULMIYE iyo hiigsigooda madaxweynenimo ayaa hadallo ay is dhawrid weyni ka muuqato ka hor jeediyay madaxweyne Muuse Biixi maalintii Salaasadii oo shirka golaha dhexe ee KULMIYE ku soo xidhmayay.

Siyaasiyiinta oo taataabtay dhalliilo jira iyo sida ay muhiim u tahay in madaxweynuhu ka kaco kursiga guddoomiyaha KULMIYE maaddaama uu madaxweyne yahay ayaa haddana inta badan hadalkooda udub dhexaad uga dhigayay erayo ay ka mid yihiin ‘madaxweyne waa naga talo waayeel, cabasho, dhalliil ama tabasho nagama ah’ iyo kuwo la mid ah kuwaas oo u muuqday in waxa ay sheegayaan ka dhawrayaan in madaxweynuhu dhibsado.

Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii madaxtooyada ee hore oo hoggaaminayay dadka leh hanka musharrax madaxweyne lana filayay in uu jagada guddoomiyaha kala wareego madaxweyne Biixi ayaa isna hadal taxadar badan ka muuqdo ka jeediyay shirkii KULMIYE ee Salaasadii. Waxa uu ku dheeraaday loolannadii adkaa ee ka dhex dhici jiray KULMIYE. Waxa kale oo uu siyaasiyiinta KULMIYE ku boorriyay in kuwa aan xil hayni taageeraan madaxweyne Biixi kuwa xilalka hayana haddii laga qaado aanay cadhoon ee ay sii barbar taagnaadaan madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa.

Mr Maxamuud Xaashi waxa uu ka mid ahaa wasiirro si adag uga horyimid musharraxnimada madaxweyne Biixi xilligii Siilaanyo laakiin, markii dambe Axmed Siilaanyo ku raacay dhisidda madaxweyne Biixi waxaanu saray arrintaasi oo uu ku tilmaamay in ay muujinayso bisayl siyaasadeed maaddaama laga soo kabtay “Waxa bisaylka makhraati ka ah dee madaxweyne Muuse Biixi waa lala tartamay muddo badan baa ligligga la is haystay wixii soo baxay baynu wada raacnay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Mr Xaashi oo aan moogayn sida bulshadu indhaha ugu haysay damacii isaga iyo Samaale ayaa sheegay in maalintii 1-aad ee shirka saxaafaddu si weyn isugu dayaysay in ay hankooda wax ka ogaadaan “Shalayto halkan baa niman warbaahin ahi nagu kilin killeeyeen dee dhexdeenana wax baa laga doondoonaya malaha qoladayadan iska aamusan, Cabdicasiis (Samaale) ka mid buu ahaa raggii la qorya-qoryeeyay waxaanu ahaa ninkii madaxweynaha la tartamay shalayna nin weriye ah baa ku yidhi ‘madaxweynahan aad caaqilka u tahay’ yarka malaha su’aasha ka khaldantay ee wuxuu doonayay in uu u dhigo ‘madaxweynaha ragga u dhawdhawna waad tahay xidheyaashiisana waad tahay’ waxaan se taas u soo qaatay bisaylkeena ayay muujinaysa raggii shalay tartamay in ay maanta noocaa noqdaan oo la isugu nisbeeyo magacyo khaldan waa bisayl baan leeyahay iyo guul KULMIYE keenay waxaan leeyahay sunnahaasina yaanu inaga xumaanin,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xaashi.

Waxaanu intaas raaciyay hadal u jeedkiisu yahay in madaxwyeynuhu wareejiyo guddoomiyenimada KULMIYE “Madaxweyne Barigii hore xisbiga iyo xukuumaddu way kala saarnayeen_dhinac bay kala ahaayeen maanta waa isku jeeni halkaa xil badan baa ku jira ururintii xisbiga iyo isku wadkeedii masuuliyad badan baa halkaa taalla, waxba farta adiga kugu godi maayo laakiin, dee adiga iyo ragga kugu xeeran ba hadda mar labaadna aan kuugu noqdee tabashana maaha cabatinna maaha,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Dhinaca kale Cabdicasiis Samaale oo si weyn isu dhawraya ayaa ku dheeraaday taariikhda xisbiga KULMIYE iyo xilliyo loolan adag uu soo galay iyo sidii uu uga soo kabtay waxaanu soo qaaday dhalliil xukuumadda Biixi leedahay oo ku saabsan dhanka Saami qaybsiga Beelaha.

“Waa dardaan waayeel xisbigiisa jecel, waxaana is leeyahay waa taynu ku dhismayno, oo aynu meel ku gaadhayno,haddii inagu gudaheena waxa inaga khaldan iyo waxa inaga murkucday sheegin, oo aynaan isa sixin, oo aynaan wada taaban wuxuunbaa inaga sii xumaan, Madaxweyne taasina waa iga talo, Xukuumadaada dib ugu noqono oo cabashada ay dadku ka cabanayaan xagga beelaha miisaankeeda dib u eeg Madaxweyne, ceebna maaha, iyada oo madaxweyne aynu xisbi nahay, oo Xisbiga Kulmiye Beelaha Somaliland oo dhami ku jiraan, haddana Madaxweyne halkaas dib u eego xaqsoorida iyo cadalaadaasi waa mid ay dadku kugu jeclaan doonaan, taariikhduna qori doonto,” Sidaas ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Siyaasiyiintan oo la filayay in ay kursiga guddoomiyaha KULMIYE ku garbin doonaan madaxweyne Biixi markii kursiga fuulay ayaa u muuqda in aanay ilaa hadda lahayn awood ay ku dhiirradaan in ay madaxweynaha culays ku saaran wareejinta kursiga oo qayb ka ah isku haynta xisbiga sida uu sheegay Maxamuud Xaashi.

Madaxweyne Biixi ayaa ku xigeenkiisa koobaad oo ah Maxamed Kaahin ka dhigay wasiirkiisa arrimaha gudaha, halka uu afhayeenkii xisbiga ka dhigay wasiir, sidoo kalena madaxweyne xigeenku hoggaanka xisbiga yahay sidaasna uu xisbigu ugu jiro gacanta madaxtooyada taas oo meesha ka saartay culays madaxweynaha lagu saaro isbedel hoggaanka xisbiga lagu sameeyo waxaanay u muuqata in siyaasiyiintani aanay saamayn badan ku lahayn gudaha xisbiga islamarkaana aanay dhaqdhaqaajin Karin loolan madaxweynaha ku khasba in uu kursiga guddoomiyenimada sii daayo sidii madaxweynihii ka horeeyay mudane Axmed Siilaanyo.

Xigasho: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.