Salmaan & Erdogan Oo Telefoon Ku Wada Hadlay

Wakaaladaha wararka ee Turkiga iyo Sucuudiga ayaa siyaabo kala duwan uga warramaya wada hadalka labada hoggaamiye

0
Salmaan & Erdogan Oo Telefoon Ku Wada Hadlay

Salmaan & Erdogan Oo Telefoon Ku Wada Hadlay
Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrinta suxufiga la waayay ee Jamal Khashoggi.
Jamal Khashoggi oo ahaa suxufi iyo qoraa Sucuudi ah oo ka tirsana wargeyska Washington Post ayaa la la yahay ilaa labadii bishan October markaas oo uu galay safaaradda Sucuudiga ee Turkiga.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadulu Agency ayaa ku warramaysa in maalinta la waayay Jamaal ay magaalada Istabul yimaaddeen 15 xubnood oo Sucuudiga ka socday kuwaas oo la socday laba diyaaradood. Xubnaha oo ay masuuliyiin ku jireen ayaa bookhday safaaradda Sucuudiga sida ay Anadulu oo boolis soo xiganaysa ku warrantay.

Arrinta Jamal Khashoggi ayaa abuurtay xiisad u dhexeysa Sucuudiga iyo Turkiga. Sidoo kale Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa dalbaday in degdeg loo caddeeyo arrinta Jamaal. Sucuudiga ayaa culayskan caalamiga ahi soo food saaray.

Sida ay ku warramayaan wakaaladaha wararka Sucuudiga iyo Turkiga ee Alarabiya iyo Anadulu waxay labada hoggaamiye isla qaateen in guddi wada jir ah loo saaro arrinta Jamal Khashoggi.

Waxa ay warbaahinta Sucuudigu sheegtay in madaxweynaha Turkigu muujiyay in loo baahan yahay dhawrista xidhiidhka labada dal oo ah mid taariikhi ah.

Source: Anadulu/Alarabiya
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.