Saleebaan Xuquuq Oo LA Gudoonsiiyay Abaal-marinta Caalamiga Ah Ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award DAAWO SAWIRADA

0

San Fransico(Sayruuq):– Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa habeen hore lagu guddoonsiiyey magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award oo sannad kasta la guddoonsiiyo shakhsiyaadka iyo Ururrada juhdiga galiya u dagaalanka xuquuqda bani’aadamka iyo Cadaaladda.

Munaasibadda loo qabtay guddoonsiinta Abaalmarinaha oo noqonaysa tii 17-aad oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cadaaladda iyo Ku-ilaalinteeda (CJA) oo fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxa sannadkan nasiib u helay guddoomista abaalmarinaha Qaalliga ah hay’ad u dhaq-dhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha iyo Saddex qof uu ku jiro Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo 20-kii sanno ee u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha xuquuqda Aadamaha iyo dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland iyo Geeska Afrikaba.

Munaasibadda loo qabtay Abaalmarinaha ay bixinayso Xarunta CJA, waxa ka qayb-galay boqolaal qof oo isaga kala tagay Dunida dacalladeeda, kuwaas oo isugu jira daneeyayaasha Cadaaladda iyo ilaalinta Xuquuqal-Iinsaanka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.