Sahlework Zewde Oo Noqotay Madaxweynaha Itoobiya

0
Sahlework Zewde Oo Noqotay Madaxweynaha Itoobiya

Sahlework Zewde Oo Noqotay Madaxweynaha Itoobiya
Fadhi uu wada jir u yeeshay labada gole baarlamaan ee Itoobiya ayaa madaxweyne loogu doortay Sahlework Zewde oo ah diblamaasiyad shaqooyin sare ka soo qabatay Qaramada Midoobay. Waa haweenaydii u horaysay ee madaxweyne ka noqota dalka Itoobiya.
Who’s Ethiopia’s First Female President?
Agaasimaha xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Titsum Arega ayaa sheegay in ujeedadu tahay in caadi laga dhigo in haweenku qayb ka noqon karaan heerka go’aan qaadashada Qaranka iyo guud ahaan talada Waddanka oo hore u ahayd mid raggu maamulo.


Sayruuqnews ayaa shalay baahisay warbixin ay ka soo xigatay wargeyska Addis Fortune ee Itoobiya oo ku warramay in madaxweynaha cusub noqonayo Ambachew Mekonnen waxaanay xogtaasi noqotay mid aan sax ahayn waxaanay warbaahinta Sayruuqnews ka raalli gelinaysa dadka warbixintaasi gaadhay maaddaama aanay sax noqon xogtaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.