Safiirkii Sawiray Soomaalida!

0

Safiirkii Sawiray Soomaalida!

Sannadkan maanta dhamaaday ee 2020 ma akhrin buuggaag badan oo la mid ah buuggaagtii aan akhrin jiray sanadihii hore maaddaama aan joogay Somalia oo waqtiga intiisa badan lagu tabiyo sheeko iyo shaah. Buuggaagta faro ku tiriska ahaa ee aan akhriyay sannadkan waxaa ka mid ah dhiganaha ciinwaankiisu yahay Safiirka ee uu qoray danjirihii dawladda Marykanka u fadhiyay Somaaliya sannadihii u dhaxeeyay 1984 tii illaa 1986, Safiir Peter Bridges.

Buuggan xusuus qorka ah ee safiirka kaga warramayo waayo aragnimadiisii Somalia waxaa luuqada Soomaliga ku tarjumay Kamaal Marjaan oo ah suxufi Soomaaliyeed. Intii aan ku guda jiray akhriska xusuus qorkan ayaa xaqiiqsaday in xog iyo casharo ku saabsan waayihii Soomaaliya burburka ka hor si fudud looga baran karo dhiganahan. Safiirka qoray buuggan oo ah nin waayo arag ah oo muddo dheer ka soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Maraykanka intii aan loo soo magacaabin Soomaaliya ayaa aqristaha sawir cajiib ah ka siinayaa xaaladihii dhaqan dhaqaale ee Soomaaliyadii uu safiirka ka ahaa ku sugnayd.

Sawirka guud ee aqristaha ugu tagi karo buuggan wuxuu koobaayaa dhammaan jihooyinka ay daneeyaan aqoonyahannada xiiseeya taariikhda Soomaaliya sida: duruufaha u gaarka ah deegaannada Soomaaliya; dhaqanka guud ee bulshada iyo qaab maamulkii dawladdii kacaanka; iyo astaamaha u gaarka ah garashada hoose ee qofka Soomaaliga ah ee noolaa dhammaadka qarnigii dhammaaday.

Safiirka wuxuu buugga ku billaabayaa filasho xiiso badan oo ah in mar uun ka dallaco shaqada xoghaynnimo ee uu kahayo safaaradda Maraykanka ee dalka Talyaaniga, noqdana safiir ka mid ah safiirada dawallada adduunka ugu xoogga badan. Sababta ku kalliftay in uu safiirnimo raadsado wuxuu qoraaga ku sheegay in uu waayo aragnimo badan oo dhinaca wasaaradda arrimaha dibadda ah leeyahay maadddaama muddo dheer uu ka soo shaqeeyay dalal dhowr ah.

Wuxuu qaybaha hore ee buuggga uga sheekaynayaa xiisihii uu dareemayay iyo diyaar garowgii uu galay markii uu codsanayay shaqada safiirnimo ee Soomaaliya . Waxyaabo badan oo ku saabsan taariikhda maraykanka iyo Soomaaliya iyo guud ahaan taariikhda Afrika ayuu xoogga saaray in uu fahmo. Intii uu ka shaqaynayay dalka talyaaniga, wuxuu wax badan ka akhriyay taariikhda dalka maaddaama talyaaniga gumaysan jiray Somalia. Waxayaabaha xiisaha leh ee uu sii ogaa intii uu ku guda jiray raadinta shaqada safiirnimo waxaa ka mid ah in Soomaalida aysan jeclayn in loogu abtiriyo Afrikaannimo, inkastoo ay xubin ka yihiin ururka midowga Afrika AU.

Safiir Peter wuxuu ka sheekaynayaa xogta guud ee uu helay intii uusan ka shaqo billaabin Soomaaliya. Xogtaas waxaa ka mid in dawladda Maraykanka siiso Somalia caawimaad meliteri oo dhinaca difaaca kaliya ah iyo gargaar dhinacyada mashaariicda hormarka iyo bani’aadamnimda ku aadan. Wuxuu kaloo oo xusay in lagu wargaliyay tirada shaqaalaha maraykanka ee safaaradda Somalia lagu qiyaaso illaa 218 qof. Uruursiga xogaha noocan ah oo kale ka dib, wuxuu Peter u ambabaxayaa Somalia. Wuxuuna qirayaa markii la magacaabay in uu aaminsanaa fekerka ah in Somalia aysan muhiimad badan u lahayn istiraatiijiyada maraykanka ee arrimaha dibada iyo in shaqaalaha maraykanka ee Somalia tiro ahaan ka badan yihiin intii loo baahnaa. Wixii uu la kulmay markii uu tagay Somalia ayuu kaga warramayaa cutub uu ciinwaan uga dhigay safaarad weyn iyo dal sabool ah!

Ka sheekaynta waxyaabihii uu la kulmay markii uu dalka yimid wuxuu ka billaabayaa tilmaamidda dhuubnaanta iyo qorqornaanta Soomaalida lagu yaqaano. Intii loo sii waday guriga uu dagi doono ayuu qirayaa muuqaal ahaan dadka Soomaaliyeed ee lugaynaya waddooyinka Muqdisho in aysan lahayn dhiigga dadka baantuuga ah (Baantuuga waa dadka ugu badan ee ku nool qaaradda Afrika). Wuxuu sidoo kale xusayaa in dumarka Soomaaliyeed u labisan jireen xilligaas qaab aad u qorxoon oo indhaha soo jiidanaya. Markii uu gaaray gurigii uu degi lahaa wuxuu dareemayaa in gudaha gurigii la dajiyay oo ka koobnaa saddex qol uusan ku xumayn meel la dago waayo dusha sare ee guriga waxaa si fiican looga arki karay quruxda badweynta hindiya ee dhinaca ku haysa magaalada Muqdisho. Subixii xigay markii uu tagay dhismaha safaaradda Markaynka, Peter wuxuu sheegay in uu arkay safaarad Maraykanka leeyahay middii ugu “kharaabsanayd “marka la eego dhismaha gaboobay ee safaaradda.

Intaas ka dib, safiir Peter wuxuu ka sheekaynayaa duruufaha qallafasan ee dhinaca cimilada ah ee Soomaaliya caanka ku tahay sida abaaraha soo noqnoqda iyo roob yarida. Intii uusan Somalia iman, wuxuu akhriyay buugga “Periplus of Erythraean Sea” ee qoray badmaaxii masaarigaa ahaa hal qarni dhalashadii Nabi Ciise ( 19 qarno ka hor) kaas oo ka hadlaya noloshii ka jirtay magaalooyinka teedsan badda cas iyo badweynta hindiya ee Geeska Afrika. Magaalooyinkaas ganacsiga iyo nolosha ka jiri jireen xilligaas fog waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho sida uu qabo safiir Peter. Duruufaha qallafasan ee dhinaca cimilada ah iyo dhaqashada xoolaha oo badanaa u baahan roob joogto ah ayaa qayb weyn ka qaadan jirtay saboolnimda Somalia sida uu sheegay safiirka.

Saboolnimadii Somalia ka jirtay iyo musuqmaasuqii dhinca gargaarka caalamiga ah ee dawladdii kacaanka ku caanbaxday ayuu mudane Peter is qabadsiin waayay. Sida uu sheegay wuxuu la yaabay sida dawladdii kacaanka ugu mashquulsanaynd dawarsiga deeqaha caalamiga ah. Qayb uu ciinwaan uga dhigay Caawimo ay Caybo Hareeyeen ayuu safiir Peter kaga warramayaa sidii dawladdii Siyaad Barre ugu tiirsanayd deeqaha caalamiga ah marka ay timaado bixinta adeegyada asaasiga ah iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka. Sida uu Peter xusay, dawladdii kacaanka waxay badanaa ka been sheegi jireen baahiyaha dalka ka jira si loo helo lacago dheeri ah oo la musuqmaasuqo.

Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa mar uu tagay xerooyinkii ay ku jireen qaxootigii ka soo bara kacay gobolka Soomaalida ee Itoobiya ee ka dhisnaa goboladda waqooyiga galbeed ee Somalia in uu arkay tiro aad ugu yar tiradii dawladda Soomaaliyeed u gudbisay hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR iyo dawladaha deeqda bixiya. Dhinaca kale, wuxuu sheegay in dawladdii kacaanka marar badan dawladdaha Somalia ka taageera dhinaca melitariga u soo gudbisay xogo aan xaqiiq ku salaysnayn oo dhinaca amniga ah si ay u helaan hub iyo saanad meleteri oo dheeri ah. Wuxuu kaloo xusay in dawarsiga shisheeyaha uu dhaqan u noqday dawladdii kacaanka ee xiligaas jirtay.

Waxyaabaha xiisaha leh ee Peter ku qoray xusuus qorkan waxaa ka mid ah in uu la yaabay sida Siyaasad Barre u diidanaa in dadka Soomaaliyeed qaataan diinta kiristaanka haddana u dawarsan jiray hayaddaha katooliga ah “catholic” ee diinta kiristaanka faafiya sida hay’addii CARITAS oo kale.

Marka laga soo tago musuqmaasuqa deeqaha adduunka ka yimaada, safiir Peter wuxuu su’aalo badan iska weydiinayaa sida deeqaha caalamiga ah gacan uga geysan karaan hormarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somalia. Wuxuu qabay dhaliilo ku aadan dhinaca waxtarka deeqaha caalamiga ah xattaa haddii lagu daro kaalmada maraykanka bixiyo marka la eego qorsheynta mashaariicda Somalia laga fuliyo. Dooddiisa ugu weyn ee dhinaca deeqaha waxay ku dulwareegaysay in kaabayaasha dhaqaalaha ee Somalia laga dhiso badanaa ku danbayn doonaan kuwo aan shaqaynin sababo ay ka midyihiin in Soomaalida aysan haysanin dhaqaale iyo farsamo lagu dayactiro kaabayaashaas iyo farsamo yaqaanadda shisheeyaha ah ee kaabayaasha dhaqaalaha gacanta ku haya waligood Somalia sii joogi doonin. Wuxuu qabay inta badan in deeqaha caalamiga loo weeciyo dhinaca waxbarashada, gaar ahaan barashada farsamooyinka casriga ah ayada oo la tixgalinaya duruufaha dhaqan dhaqaale ee Somalia.

Cutub uu ciinwaan uga dhigay Hunguriweyni Cusub ayuu kaga sheekaynayaa sidii dawladdii kacaanka meel walba madaxa ugu garaacday ayada oo raadinaysa deeqo caalami ah isla markaana aanan xeerinaynin xiriirka ka dhaxeeya dawladaha ay deeqaha weydiisanayso. Tusaale ahaan wuxuu soo qaatay sida dawladda Somalia xiriir ula samaysatay dalka Liibiya isla markaana lacag gaaraysa hal bilyan oo dollar ka marakaynaka ah Qadafi uga qaadatay. Asaga oo ka xanaaqsan arrintan ayuu wuxuu dawladdii Somalia u sheegayaa in halista dawladda Maraykanka uga timaada safaaradda liibiya laga siiyay Somalia ay sababi doonto in gabi ahaanba la joojiyo kaalmadii joogtada ahayd ee dawladda Maraykanka siin jirtay Somalai. Xanaaqa noocan ah waxaa sababay in waqtigaas xiriirkii Liibiya iyo Maraykanka aad u xumaa.

Cutub kale oo ciinwaan uga dhigay La Macaamilkii Kaligii Taliyaha ayuu Peter kaga warramayaa wixii dhex maray asaga iyo madaxweyne Siyaad Barre. Nuxurka xiriirka waxaa ugu muhiimsanaa in marwalba uu ku dadaali jiray in xuquuqda maxaabiista siyaasadda u xiran iyo farriinta dhabta ah ee maraykanka u gudbiyo madaxweynaha. Dhinaca kale madaxweyne Siyaad wuxuu marwalba safiir Peter u sheegi jiray in xogta dalka asaga kaliya uu ka qaato uuna iska ilaaliyo wararka beenta ah ee ay faafiyaan mucaaradka iyo warxumo tashiilka sida idaacadda BBC da oo kale. Shaqsiyadda iyo qaabkii shaqo ee Siyaad Barre ayuu cutubkan uga warramayaa. Tusaale ahaan wuxuu xusayaa in Siyaad Barre uu ahaa nin waayeel ah oo jecel in uu habeenkii oo dhan soo jeedo isla markaana uu shaqeeyo. Raggii ka tirsanaa golaha wasiirada ee uu la shaqeeyay misana sida yaabka leh uga warxbixiyay shaqsiyaddooda iyo garashadooda waxaa ka mid ah Maxamed Cali Samatar, Ahmed Saleebaan Dafle, Cabdiraxmaan Jaamac, iyo Cumar Carte Qaalib.

Mar uu ka warramayo dhinaca nin jeclaysiga iyo musuqmaasuqa wasiiradii kacaanka wuxuu sheegayaa in beesha madaxweynaha inta badan xilalka muhiimka ah hayeen ayaga aad u boobaya hantida dalka. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa in lacagtii Libiya laga helay ee halka bilyan ee dollar ahayd in labo meelood meel ay kala qaateen Siyaad Barre iyo ina adeerkii Cabdiraxmaan Jaamac oo markaa ahaa wasiirkii arrimaha dibada ee Somalia. Waxa kale oo si yaab leh uga sheekaynayaa in wasiiradii Somalia ku mashquulsanayeen musuqmaasuq baahay. Waxaa xiiso lahaa mar uu ka sheekeeyay in mid ka mid ah xaasaskii wasiiradaas oo guri weyn oo safaaradda maraykanka u dhow ka dhisatay Mudisho ka codsatay safiirka in uu ka kireeysto guriga. Markii uu diiday Safiir Peter codsigaas, waxay ugu hanjabtay in ay ka kirayn doonto safaaradda Libiya oo Maraykan il iyo aragti ka dhexaysay!

Waxyaabaha kale ee akhriska buuggan xiisaha u yeelaya waxaa ka mid sida safiir Peter u daneenayay in uu deegaannada Soomaalida oo dhan soo maro iyo ka sheekaynta qaab nololeedka bulsho iyo duruufaha deegaanka ee uu la kulmay intii uu safaradaas ku jiray. Tusaale ahaan wuxuu safar dhinaca badda ah ku tagay cirifka geeska Afrika ee aagga Gardafuu iyo magaalada Xaafuun oo ah goobo taariikhi ah oo qoraallo badan uu ka aqriyay. Marka laga hadlayo dhinaca deegaanka, wuxuu Peter xusayaa in nabaad guur ba’an uu dalka ka jiro kaas oo cimilada iyo nolosha xoolada dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed halis galin doona.

Sidoo kale waxyaabaha buuggan xiisaha u yeelaya waxaa ka mid ah ka sheekaynta waxyaabihii uu ka fahmay shaqsiyadda hoose ee qofka Somaliga ah. Asaga oo soo xiganaya I.M. Lewis oo ah aqoonyahan daraaseeya dhaqanka iyo shaqsiyada hoose ee Somaalida, wuxuu Safiir Peter tilmaamayaa in dadka Soomaalida ula dhaqmaan shisheeyaha furfurnaan iska yeel yeel ah iyo shaki fog oo qaab dabiici ah qofka Soomaaliga ah ugu beeran. Sidoo kale wuxuu tilmaamayaa asaga oo ku raacaya I. M. Lewis in qofka Soomaaliga ah isku darsaday labo dabeecadood oo yaab leh kuwaas oo kala ah: Isku kalsoonaan cadaawad ka buuxdo iyo yasida dhaqamada dadka kale! Dhinaca kale wuxuu Peter xusayaa in dadka Soomaaliyeed ku jiraan dad ilbax ah oo aad u dhaqan wanaagsan isla markaana shisheeyaha soo dhoweeya. Dadka wanaagsan ee Soomaalida uu kala kulmay wuxuu ka tilmaamayaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Jeneraal Aadan Gabyow.

Xusuus qorkan wuxuu sidoo kale tilmaamayaa waxyaabo badan oo laga ogaan karo shaqsiyadda hoose ee Safiir Peter. Aqristaha u fiirsada qaabka qoraalka safiirka wuxuu fahmayaa in Peter uu ahaa safiir isla qabweyn oo aaminsan in uu hayo xalka dhibaatooyinka Somalia gaar ahaan, iyo guud ahaan mushkiladaha Afrika. Sidoo kale wuxuu aqristaha fahmi karaa in safiir Peter uu ahaa nin jecel in uu ku noolaado deegaan qurxoon iyo dhismayaal casri ah marka la eego qaabka liita ee wax uga tilmaamayo dhismayaashii uu booqan jiray. Tusaale ahaan, habeen uu ka qayb galayay riwaayad madaxweynaha u ku martiqaaday oo lagu qabtay tiyaatarka qaranka ayuu wuxuu qoray “ waxaan habeennimadii guriga ku noqday aniga oo nidar ku galay in aanan abidkay dib uga qayb galin masraxiyad danbe oo soo bandhigayo guriga murtida iyo madadaallada ee Muqdisho waayo uma dhaxayn karo fiidmayrta ( darbiga dhismaha ayuu ku arkay), kuleylka xadfhaafka ah iyo dhalinyaradan hubaysan ee madaxweynaha ilaalada ah”( p, 162).

Qoraal sidan u kooban laguma soo wada bandhigi karo nuxurka buuggan xanbaarsan yahay. Balse Safiir Peter wuxuu buuggan nagula wadaagayaa xog iyo casharo badan oo muhiim u ah fahamka taariikhda Somalia iyo ogaanshaha qaabkii shaqo ee dawladdii kacaanka. Buugga waxaa ka buuxa xog badan oo sawirro xannuun badan xanbaarsan balse intooda badan ku salaysan xaqiiqooyin aan la iska indho tiri karin. Tusaale ahaan, qoraaga wuxuu soo xiganaa buug nin carbeed uu ka qoray Soomaalida, kaas oo Soomaalida ku u tilmaamaya dad ku caanbaxay baryo iyo “ wax I sii” Xusuus qorkan waxaa ka buuxa dhacdooyin yaab leh oo qoraaga si farshaxan leh u soo bandhigayo. Tusaale ahaan, mar uu tilmaamay qaabkii ay u dhaqmi jireen carruurtii waagaas ee Muqdisho marka ay la kulmaan qof caddaan ah wuxuu sheegay in caruurta lacag weydiisan jireen ajaanibta, markii lacagta la siiyo oo qofka ajnabiga ah dhaqaaqana, in ay dhagxin jireen! Gabagabadii iyo gunaanadkii , farriinta ugu weyb ee safiir Peter gudbinayo waa in uu safiir ka soo noqday dal leh astaamahan: qorax kulul, faqri baahsan iyo dad isla qab weyn!

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.