Safiirka Shiinaha ee Somalia oo Hargeysa Yimid + Ujeedadda Socdaalikiisa

0

Hargeysa (Sayruuq)-Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u qaabilsan Somalia Amb. Qin Jian ayaa Sabtida shalay galinkii dambe booqasho ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ee Cigaal International airport kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda.

Safiirka Shiinaha ee Somalia oo Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaan ujeeddada socdaalkiisa la ogayn, laakiin Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya bil uun ka dib markii Dawladda Somaliland si rasmiya u shaacisay inay xidhiidh la samaysay Taiwan oo Shiinaha ka go’day, arrintaasi oo uu Shiinuhu aad uga cadhooday.

Mr. Qin Jian ayaa si khaas ah Baraha uu Bulshada ku leeyahay, gaar ahaan Twitter-ka ku baahiya hadallo uu ku muujinayo sida Dawladdiisu uga horjeeddo xidhiidhka Somaliland la samaysay Taiwan, sidoo kalena sidii xidhiidhkaa loo curyaamin lahaa kulamo kala yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf oo ay warbaahintu la xidhiidhay ayaa sheegay in aan ilaa xalay wax kulamo aanu Safiirku la yeelan Madaxdda Somaliland balse maanta la filaayo inuu kulamadiisi bilaaban doonno taasi oo Madaxweyne Biixi kulan la qaadan doono.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Sayruuq.com
Sayruuqnews
Hargeysa Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Source Geeska Africa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.