Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan

0
Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Marwo Kate Foster ayaa kulamo ay la qaadatay Madaxweyne Biixi, madaxda Mucaaradka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka kadib si kooban uga hadashay musharraxiinta ay xidhay xukumadda Somaliland.
Walaaca laga qabo tacadiga Taliye Dabagale Ku Hayo Musharraxiinta Oo Ingiriiska Lala Wadaagay
Waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso dawladda oo muujisay in ay ka go’an tahay xal degdeg ah oo laga gaadho arrinta Musharraxiinta, islamarkaana dhakhso loo abuuro jawi macquul ah oo ay ku qabsoonto doorashada 31-ka bishan ka qabsoomaysa Somaliland ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.


SAADASHA DOORASHADDA WAKIILADDDA 2021
Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay walaac ka muujiyay xadhigga Musharraxiinta oo ay sheegeen in ay mugdi galinayso hufnaanta natiijada doorashada.
WADDANI iyo UCID Oo War Adag Ka Soo Saaray Musharraxiinta Xidhan


Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.