Safaarada Somalia ee Turkiga ayaa shaacisay in Shaqaale ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada Somalia oo tababar loogu diray Turkiga ay u baxsadeen dalka Giriiga si ay uga sii tahriibaan.

0

Ankara-(Sayruuq)-Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maalintii jimcihii la soo dhaafay 19-December ku sagootiyay shaqaalahan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo halkaa ka raacay Diyaarada Turkish Airways.Shaqaalahan oo ahaa tobaneeyo Ruux oo qof ka mid ahi ahayd Dumar ayaa qorshuhu ahaa in Tababar xaga xirfada IT ku soo qaataan magaalada Ankara, iyadoo tababarkan ay damaanad qaadey Wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga.

Ujeedada tababarkooda ayaa lagu sheegay in dhalinyaradan marka ay wax ka soo bartaan Wasaarada Arrimaha dibada Turkiga in loo kala qeybiyo safaaradaha Somalia ee dibada si qeybta IT-ga iyo isku xidhka dhanka Isgaadhsiinta ee Safaaradaha Somalia ee ku yaala Wadamada aduunka oo dhan uga shaqeeyaan.

4 ka mid ah 10-ka ruux ee tababarka loogu diray Turkiga ayaa maalintii Axadi u baxsaday dalka Giriiga, iyagoo qaab qarsoodi ah ku galay, sida warqad qoraal ah oo ka soo baxday Safaarada Soomaaliya ee Turkiga lagu xaqiijiyay.

safarad

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid kale oo xalay isku dayay inuu baxsado la qabtay, waxaana dhici karta in loo soo musaafuriyo Soomaaliya.

Warqada qoraalka ee ka soo baxday safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Ankara oo nuqul ka mid ah Qarannews heshay ayaa lagu sheegay in Safaarada aanay mas’uul ka aheyn wixii hada ka dambeeya shaqaalaha tababarka loo keena dalka Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhalinyaradan aanay aheyn shaqaale rasmi ah, balse qaab dhoofis ah lacago looga qaatay, si ay u matalaan shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada, marka ay tagaan Turkigana ka sii dhuuntaan, si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.