Saameynta Dhaqaale ee Sarrifka Ay Dallacday DP World

0
Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!
Prof Cabdi Cali Jaamac

Saameynta Dhaqaale ee Sarrifka Ay Dallacday DP World;
Sidee ayay u Qaybsanayaan Dhibka iyo Dheefta afarta qolo ee kala ah: Ganacsatada, Dadweynaha, Dawlada iyo DP world.

Wariye Mooge: Adigaa dhaqaalaha dhigee, ganacsatadu miyaanay wixii la saaro dadka uun saarayn, maxay la qaylinayaan?; ma dadkay u tudhayaan?!!!

Macallinka: Waa runtaa, oo shaki kuma jiro in baayacmushtarku ay isku dayayaan wixii la saaro ee khidmad ama cashuur ah, ay markiiba isu dhaafinayaan dadweynaha, laakiin arrintu sidaa uma sahlana. Si kastaba ha ahaatee, waxay la qaylinayaan laba arrimood:

Waa ta kowaade, sida lagu barto cilmiga dhaqaalaha, marka sicirku kordho waxa yaraada dalabka; kolkaa marka lagu dallaco khidmadda dekadda, waxa khasab ku noqonaysa ganacsatada in ay iyaguna kordhiyaan sicirka alaabta, taasina waxay keenaysaa in macaamiishu ay yareeyaan dalabka badeccadda; taasina waxay hoos u dhigaysaa dakhligii soo galayay ganacsatada, halkaasoo ugu danbaynta culayskii ay ganacsatadu ku soo xawileen dadweynaha, ay badh ka mid ah culayskii dib ugu soo xawilayaan baayacmushtarka, halkaasoo xaasilku noqonayo in culayskii DP world soo kordhisay ay wada qaybsadaan ganacsatada iyo dadwaynuhu. Sidaa darteed, dadweynaha iyo ganacsatadu waa isku dan marka laga hadlayo korodh kasta oo ku yimaadda khidmadda dekadda.

Waa ta labaade, dheef baa ugu jirtay ganacsatada sarrifkii hore; maxaa yeelay marka ay alaabta iibinayaan waxay garaacaan 10,000 sl sh halii dollar, Dp world na waxay u garaaci jirtay 7,000.

Wariye Moge: oo haddii dadweynaha iyo ganacsatadu isku dan yihiin arrinkan, Dp world iyo xukuumaddu ma isku dan baa?
Xukuumadda Biixi Oo La Safatay Dp World
Macallinkii: Dee haa, saw shuraako kuma aha dekadda; faa’iido iyo khasaare way qaybsadaan; waana labada dhinac ee ka faa’iidaya kordhinta khidamadda; mana jiro haba yaraatee wax dhib ahi oo kaga soo noqonaya tallabadaas.
Xiisad U Dhexeysa Dp World & Ganacsatada?
Cabdo; Macallinka Dhaqaalaha, Dawlad Wanaagga iyo ku dhaqanka Sharciga.
“Haddii DP World Dalka Xukunto Madaxweynuhu Ha Nooga Warramo,” Xil Gacan
W/Q Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.