Saamaynta Dhaqaale Ee Coronavirus Ku Leeyahay Somaliland

0

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa ay dib u qiimayn ku samaysay odoroskeedii koboca dhaqaalaha dunidda ee 2020 iyo 2021. waxa laga cabsi qabaa in hoos u dhaca dhaqaalaha ee la filayo hadii uu sii socdo faafitaanka xanuunka COVID 19 ay keeni doonto hoos u dhac dhaqaale oo ka hooseeya kii dunida soo maray 2009.
Somaliland waxa wewerku ka jiraa dhinacyadan:
1. Lacagtii qurbaha ka iman jirtay ee xawaaladaha in la waayo maadaama oo dadka lacgtan soo diraa u badnaayeen dad xamaal kula soo baxa nolol maalmeedkooda sida darawaliin IWM kuwaas oo hada ku xayiran guryahooda.
2. Dhoofkii xoolaha ee xiliga xajka oo lacag iyo shaqo abuur ba lahaa waxa muuqata inuu meesha ka bixi doono hadii sanadkan isu imaatinkii xajka la mamnuuco.
3. Hoos udhac ayaa la filayaa inuu ku yimaado ganacsiga iyo wax kala iibsiga gudaha gaar ahaan xiliga ramadaanta iyo bilaha ka dambeeya marka laga reebo waxyaabaha quutal daruuriga ah.
4. Waxa meesha ka baxaya sida oo kale lacagahii kasoo xeroon jiray dalxiiska iyo socdaalka sida airports ka iyo dekedaha maadaama oo isu socodkii dunidu aanuu sidiisii noqon doonin.
5. Qodobadda sare oo dhamina waxa ay saamayn taban ku yeelan doonaan miisaaniyadda dawladda ee 2020 oo inteeda badani kasoo xeroota kastamadda ku yaala meelaha ay wax kasoo degaan ama ka dhoofaan iyada wax Dhoofinta iyo wax soo dejintiba la filayo in ay hoos u dhacdo inta xanuunkani jiro.

#Allah ha ina hareer mariyo aafooyinka #COVID -19

Public Financial Management & Central Banking Specialist

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.