Saamaynta caafimaad ee shaqada habeenimo

0

Saamaynta caafimaad ee shaqada habeenimo

Koox khubaro ah ayaa sheegay in khatarta kansarku ay ku badan tahay dadka habeenkii shaqeeya marka loo eego dadka shaqeeya maalintii.

Hore waxaa u jiray cilmibaadhsiyo lagu ogaaday in kansarka naasuhu uu ku badan yahay haweenka si joogto ah u shaqeeya habeenkii,

balse cilmibaadhayaal ka tirsan wakaaladda caalamiga ah ee baadhitaanka kansarka (IARC) – oo hoos timaadda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) – ayaa sheegay in shaqada habeenimo ay kordhiso khatarta kansarka ragga ku dhaca sida lagu baahiyey shabakadda RTL oo Jarmalka laga leeyahya.

Wakaaladda IARC ayaa sannadkii 2007 shaacisay in shaqada habeenimo ay sababi karto kansar. Haddaba cilmibaadhisyo dhawr ah oo la sameeyey wixii intaa ka dambeeyey oo ay wadeen 27 khabiir ayaa lagu ogaaday isla natiijadii la helay 12 sanno ka hor oo ah in “Shaqada habeenimo ay kansar sababi karto”.

Baadhayaasha ayaa cilmibaadhistooda u cuskaday tijaabooyin ay ku sameeyeey xayawaanada, laakiin diraasaadka basharka lagu sameeyey wali si geed-ka-go’an ah u may iftiimin in Shaqooyinka habeenkii ay keenaan xanuunka kansarka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.