Ruushka Oo Beeniyey Inuu Jabsaday Computerada Aqalka Cad Ee Maraykanka.

0

Moscow(Sayruuq)-Dowlada Ruushka ayaa beenisay inay wax ka ogeyd kooxdii Jabsatay Computerada Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad dhamaadkii sanadkii hore 2014.

Salaasadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii Telefishinka CNN uu baahiyey in Computerada Aqalka Cad ay weerar dhanka internetka ah kusoo qaadeen koox ku sugan Ruushka oo la tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin dowlada Ruushka.

Afhayeenka dowlada Ruushka oo Arbacadii shalay arrintan ka jawaabay ayaa yidhi:

“…Waayadan danbe waxaa Caado laga dhigtay in Wixii xunba dusha laga saaro Ruushka….”

Aqalka Cad ee Maraykanka laga xukumo ayaa isagu diiday inuu faah faahin ka bixiyo weerarka internetka ah ee lagu soo qaaday.

Waxaa la sheegay in kooxda jabsatay computerada ay la baxeen xog ku aadan telefonada iyo waliba diiwaanka safarada ee Madaxweynaha, inkastoo la sheegay inaysan la bixin Sirtii muhiimka ahayd ee ku kaydsan computerada Madaxtooyada Maraykanka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.