Roobab Laxaad leh Oo ka Da`ay Dila iyo Dhibaatooyinka Soo Gaadhay

0

Magaaladda Dila ee gobalka Awdal ayaa waxa lagu soo warmayaa inay dhibaatayn khasaare gaystay ay ka soo gaadheen roobab galabta ku hooray Magalaadaasi ,waxaana ku dhintay dhibaatadda daad weyn oo ka soo fatahay dhaam labab ruux halka sagaalkalena lalaayahay.

Warbaahinta oo la xidhiidhay muwaadin lagu magacaabo Cabdisamad Cumar Maal ayaa waxaa uu sheegay in galabta maqribkii abaaro 6:30 fiidnimo ay daad badan oo ka dhashey fatahaad ay sameyeen baliyo dhinca sare ka xiga magaalada Dila ay sababeen in ay daadku ku soo rogmado dhinca magaalada isla markaana u soo galo daadku aqaladii dadku ku jireen iyaga oo aan ka war qabin .

Heerka dhimashada ayaa waxaa uu muwaadinkani u wararku waxay sheegeen in aan hada la xaqiijin karin balse lagu qiiyaasayo in ay ka badan tahay 10 qof waxaa hada la hayaa meydka 2 qof halka la,layahay meydka 9 qof o kale

Sidoo kale waxaa xidhan jidka isku xidha magaalada Hargeysa iyo Borama iyada oo wali uu roobku da,aayo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.