Roob Doonteenii, Ma Samaynaa?!!!

0
Roob Doonteenii, Ma Samaynaa?!!!

Roob Doonteenii, Ma Samaynaa?!!!

Inteenii soo gaadhay, roob doontu waxay lahayd muuqaaal la yaab leh; caruurta malcaamad quraan ka ayaa inta ay layn galaan, looxana madaxa saaraan soo wareegi jiray magaalada, iyagoo ku dhawaaqaya duco Somali hooriskeedu ahaa : Ilaahaw Roobka Noo Shub, Raxmanaw Roobka Noo shub. Waxa lagu soo noqon jiray bartii laga dhaqaaqay, halkaas oo loogu iman jiray macallinkii quraanka oo sii taagan; isaga ayaa ku soo gunaanadi jiray akhriska suuradda Innaa arsalnaa nuux, oo ay ku jirto Ilaahay danbi dhaaf waydiista, isagaa cirka maraqa idiinka furiye; been idinku haasaawin maaye, saadaal hawo na lama aqoon, ishaa falato kalena ma jirin; waxa aan xasuustaa in roob dhibco waaweyni uu soo daadan jiray inta aanu macallinku dhamayn suuratu Nuux!!! haddaanu sooba daadan inta aanu wareegga ku jirno; Burco ayay ahayd; Alle maxaan u hiloobayaaa ayaamahaas caruurnimada iyo magaalada Burco; what nostalgia; I am, really, longing for these days in Burao.

Inkasta oo immika salaad la tukado si waafaqsan fiqiga salaadda roob doonka, haddana berigaa lama tukan jirin; waxa laga yaabaa in culimadeenii ay ka dayriyeen dadka waawayn iyo danbiyadooda, taasoo keentay in dadka waawayn iyo salaaddooda sunnaha ahba la iska dhaafay; Ilaahayna ay ka xishoodeen dadkii waawaynaa ka dib markii ay is qiimeeyeen, taasoo keentay in ay caruurta aan wali danbaabin ee quraankiisa barata u diraan baryada Ilaahay!!; waan hubaa in dadkaasi aad inooga wanaagsanaayeen, maxaa yeelay innagu kama xishoonayno Ilaahay in aynu hortagno innagoo is og waxaynu samano wadaad iyo waranle!!!

Su’aalo

1-Waa maxay farqiga u dhexeeya habka maanta iyo kii berigaa?

Prof Cabdi Cali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.