Roob dabayl wata Oo Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley

0

Roob xoogan oo dabayl wata ayaa Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley kaas oo Khasaare kala duwan gaadhsiiyey Goobo dawladeed iyo Guryo dadweyne oo Ku yaala Magaaladda Sallaxley.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay uu khasaare soo gaadhsiiyey Dugsigii Sare ee Degmadda, Kii Hoose dhexe ,Cisbitaalkii iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa kale oo uu sheegay in hal qof oo dumar ahi ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Dhismaha Cisbitaalka degmadu iyadoo laga saaray bukaanadii ku jiray Cisbitaalka degmadda Sallaxley.
Wariye Dacar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.