“Reer ninkii Ugu weynaa kharibay baad leedahiin ha hagaago” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

0

Jumca Mubaarak. Sheekadda Maanta:

Berigii hore muxaadarad diineedka waxa laga akhriyi jiray maqaaxiyaha gaar ahaan xilliga Ramadaanta magaalooyinka qaar gaar ahaan Hargeysa maadama ay Masaajidadu yaraayeen. Maalin iyadoo muxaadiradii lagu gudo jiro ayaa Ninkii Sheekha fariintiisa sii gaadhsiin jiray ee la odhan jiray muriidka ayaa isagoo hadalkii u sii jilcinaya dadkii dhegaysaneyey fariinta Sheekha ayaa Wuxuu yidhi ” Al xaasil Wuxuu Sheekhu ina leeyahay hadaanu nabi Aadam (SWCW) geedkaa cuni lahayn Oo uu geedkaa iska xakameyn lahaa, kuligeen jannadda ayeeynu ku jiri lahayn. ” halkaa kolkuu marinayo ayaa oday goobta fadhiyey Oo ayaamahaasuun Hargeysa soo galay Oo xagaa iyo Miyi kaga yimi baa odhanaya; ” Reer ninkii Ugu weynaa kharibay baad leedahiin ha hagaago” intuu go’iisii boodhka ka tuntay Oo iska kacay.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

Madaxweyne Biixi Miyuu Ka Baxay Heshiiskii Jamaal?

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.