Reer LAASCAANOOD: horta Magaca Raxanweyn yaan laydin ku dirin

0

Reer LAASCAANOOD: horta Magaca Raxanweyne iyo RRA yaan laydin ku dirin laga dhigin mid dadka xasuuqa oo la idin bahgeliyo, Magaca Raxanweyne wuxuu la mid yahay Dhulbahante, Isaaq, Majeerteen.

Halka ereyada lasoo gaabiyey ee la dhaho RRA loo soo gaabiyey (Raxanweyne Resistance Army) oo la mid ah SNM, USC iyo SSDF; horta intaas meel ku qorta. Eebbe ha u naxariisto Hoggaamiyihii RRA Mudane Shaati guduud oo isaga laftirkiisa sida igu maqaalo ahayd laakiin aanan hubin in uu xidid la ahaa reer Laascaanood.

Magacaas sharfan iyo dadkaasuba waxay innaga mudan yihiin soo dhawayn iyo Soomaalinimo, dadka Siyaasadeeyey arinkii amniga Laascaanood ee ku fashilmay Maamulka meesha ka arimiyaa isaga waa u guul in hawshii meel kale ay dusha uga tuureen,  dajiyeena dadkii shacabka ahaa ee reer Laascaanood ee kacsanaa. Dadku weli waxay sugayaan in la horkeeno danbiilayaashii xasuuqay indheergaradkii reer Laascaanood, laakiin ma sugayaan in dad Soomaaliyeed laga tarxiilo dhulkoodii.

Fg: Dhalinyarada reer Laascaanood oo u sacabo tumaya dadkaas Soomaaliyeed ee dhulkoodi laga tarxiilay waxaan idin leeyahay maahmaahdii hore Soomaalidu u maahmaahday ee ahayd “Nin aan Dhul marin dhaayo ma leh”. Fadlan kaalaya soo arkay Bay, Bakool iyo Xamar cadeey ba. Sharafta iyo gobannimada beesha Digil iyo Mirifle haddii aad ogaan lahaydeen arinkaas maanta waa ka dagaalami lahaydeen.

Laandheere LIISAAN ah oo koonfur jooga ayeydaan arag, Hadamo Koonfur Galbeed jooga ayeydaan arag; Xariin Baydhabo joogta ayeydaan arag e; war tolkooy Soomaaliya Laascaanood keliya iyo Waqooyi maahee ilaashada sharaftiina.

WQ: Muxammad Sugaal Baaruud Xoogsade.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.