“Reer Hargaysow Wax Dhammaaday Ma Jiraan,”Dr Cali Khaliif Oo Walaac Weyn Ka Muujiyay Heshiiskii Khaatumo Oo Aan Fulin

0

Hargeysa(Sayruuq) Hoggaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in aanay waxba ka fulin heshiisyadii dhex maray isaga iyo nidaamkii Madaxweyne Siilaanyo. Waxa uu dhawaaq dheer ku sheegay in aan dhankooda lagu canaanan doonin wixii ka xumaada heshiiska waxaanu ku baaqay in la barbar istaago fulinta heshiiska oo ah Somaliland la wada leeyahay.

Bulshada ayaa si weyn indhaha ugu haysay dawladda Madaxweyne Muuse oo la filayay in ay saami weyn oo hordhac ah siinayso gobollada bariga laakiin, taasi ma dhicin waxaanay u muuqata in aanay isla jaanqaadin heshiisyadii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dr Cali Khaliif oo rajo badan galiyay wada jirka iyo wax wada lahaanshaha Somaliland lana filayay in dawladda dhalata fuliso.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.