Real Madrid Oo Barbaro Soo Laabasho Ah La Gashay Valencia Iyo Los Blancos Oo Afar Dhibcood Oo Hadiyad Ah Barcelona Farta Ka Saartay

0

Real Madrid ayaa barbaro ay u dagaalantay garoonkeeda Bernabeu kula gashay kooxda Valencia oo marti ugu ahayd. Inkasta oo ay Valencia qaybtii hore ee ciyaarta laba gool ku hormartay ayay Real Madrid labada goolba iska soo celisay qaybtii danbe ee ciyaarta laakiin barbarahan ayaa Real Madrid sabab ugu noqday inay afar dhibcood oo saafi ah Barcelona hogaanka ku qabato. Valencia ayay labada gool ukala dhaliyeen Alcacer iyo Javi Fuego.

Pepep iyo Isco ayaa Real Madrid guuldaro xanuun badan oo garoonkeeda ku soo gaadhi lahayd ka badbaadiyay halka Ronlado uu kooxdiisa rekoodhe ka qasaariyay. Real madrid ayaa haddaleh 86 dhibcood halka Barcelona ay leedahay 90 dhibcood, waxaana horyaalka ka hadhay laba kulan oo kaliya.Ronaldo1

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysay kooxda Valencia, wuxuuna kulankani ugu danbeeyay kulamadii ugu adkaa ee Real Madrid horyaalka La ligaha uga hadhsanaa. Real Madrid ayaa maanka ku haysay in guul ay ka gaadho Valencia si ay rajo fiican ugu hesho hamigeeda ah inay horyaalka xili ciyaareedkan ku guulaysato.

Valencia ayaa kulankan is keentay iyada oo kaalinta afraad kaga jirta kala saraynta horyaalka la ligaha isla markana si xoogan ugula tartamaysa kooxda Sevilla, waxyana kooxda martida ahi doonaysay inay natiijo fiican kala noqoto Bernabeu. Sidaa dareedeed wuxuu kulankani ahaa kulan labada kooxoodba muhiimad  wayn ulahaa, waxaana laga filayay kulan xiiso badan.real

Valencia ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed layaableh, waxayna kooxda martida ahayd weerar aan kala joogsi lahayn ku bilawday Real Madrid. Real Madrid ayaa iyaduna doonaysay fursadaheeda ka faa’iidaysato.Daqiiqadii 19 aad ayay Valencia heshay gooka ay hogaanka ciyaarta ugu qabatay waxaana goolka furitaanka udhaliyay  Paco Alcácer, kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Valencia xili horeba hogaanka ciyaarta ugu qabatay.Alcacer

José Gaya ayaa helay baanan fiican kaas oo dhibaato ku abuuray difaaca Real Madrid laakiin goolhaye Casillas iyo difaaca Madrid ayaa ku guuldaraystay inay halis Gaya iska badbaadiyay wuxuuna ugu danbayn Alcacer kooxdiisa udhaliyay goolka ay hogaanka kula wareegtay.

Daqiiadii 25 aad ayuu dhaawac muruqa ka soo gaadhay xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Real Madrid ee Toni Kroos, waxaana lagu soo badalay Asier Illarramendi. Carlo Ancelotti ayay isku raacday in gool looga hormaray iyo in Kroos uu dhaawac ka soo gaadhay. Dhaawac Kroos ayaa Ancelotti walwal badan ku abuuraya iyada oo ay Arbacada Los Blancos la ciyaari doonto Juventus oo kulankii lugta hore ee Champions Leaque guuldaro dhabarka u soo saartay.kroos

Valencia oo dardar iyo kubbad isku dhiibasho deg deg ah ku ciyaaraysay ayaa dadaalkeeda sii laba jibaartay , waxayna markale goolka labaad heshay daqiiqadii 26 aad waxaana markan gool madax ah kooxda martida ahayd udhaliyay Javi Fuego kaas oo ka faa’iidaystay kubbad laaga xorta ah ku timid oo uu Parejo soo tuuray. Casillas ayaa markale ku guul daraystay inuu kooxdiisa goolka labaad ka badbaadiyo, ciyaarta ayaana markan isku badashay 2:0 ay Valencia hogaanka ku dheeraysatay.valencia

Intaa kadib ayay Real Madrid hurdada kacday waxayna bilawday inay weerar badan ku qaato goolka Valencia, daqiiqadii 40 aad ayuu Chicharito helay fursada uu Real Madrid goolka koowaad ugu dhalin gaadhay laakiin dadaalkiisa ku dhamaaday in kubbad ay birta haka ugu hoosaysa kaga dhacdo.

Laakiin daqiiqadii 45 aad ayaa Real Madrid lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii ay  Gaya iyo Otamendi isku qabteen Bale oo xerada ganaaxa Valencia kubbad la soo dhex galay. Garsooraha ayaa tilmaamay inay rekoodhe tahay waxaana la filayay inay halkan Real Madrid iskaga soo celin doonto mid ka mid ah goolasha ay Valencia kaga hormartay.Laakiin Ronlado ayaa rekoodhahaas kooxdiisa ka qasaariyay.Ronaldo2

Cristiano Ronaldo ayaa kubbada qaatay wuxuuna doonayay inuu kooxdiisa culayska ka yareeyo waqtiga nasashada laakiin nasiib daro Ronaldo ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursadii ugu fiicnayd ee ay Real Madrid heshay qaybta hore ee ciyaarta.Goolahaye Diego Alves ayaa si fiican u akhristay rekoodhe tuurista Ronaldo wuuxuna sidaa kaga badbaadiay fursad gool laga filaayay. qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Valencia hogaanka ciyaarta ugu haysay.alvess

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba Real Madrid bilawday inay weerar ku qaado Valencia.Kadib markii ay fursado badan oo xidhiidh ah heshay Los Blancos ayay ugu danbayn hehsay goolkeeda kowaad waxaana daqiiqdii 56 aad gool madax ah udhaliyay Pepe kaas oo ka faa’iidaysatay kubbada koorne ahayd oo uu James Rodrigeuz soo tuuray. Ciyaarta ayaa markan noqotay 2:1 ay wali Valencia hogaanka hayso.pepe

Real Madrid ayaa weerarkeeda sii waday halka ay Valencia bilawday inay difaacato goolka ay hogaanka ku haysay. Daqiiqadii 73 aad ayay Real madrid heshay fursad gool loo fishay kaas oo jamaahiirta Real Madrid fadhiga ka soo kiciyay waxaana kubbad madax ah oo gantaal ah goolka Valencia ku darbeyay Sergio Ramos laakiin markale ayuu Diego Alves sameeyay badbaadin aan la rumaysan karin taas oo uu ku sigtay inuu ku dhaawacmo.

Kadib markii ay fursado badan oo xidhiidh ah samaynaysay ayay ugu danbayn Real Madrid heshay goolka barabraha waxaana gool gantaal ah oo qurux badan kooxdiisa ugu dhaliyay goolka ay aadka ugu abaahayd, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 2:2 ah. Kubbad uu  Gareth Bale ka helay ayuu Isco si xoog ah kubbada ku darbeeyay isaga oo ka baxsan xerada ganaaxa Valencia waxaana sii caawisay kubbada oo  ku sii dhacday difaaca Valencia sidaana waxay ciyaartu ku noqtay barbaro 2:2 ah.Isco

Real madrid ayaa markale dadaalkeeda sii laba jibaartay waxayna markan baadi goob u gashay sidii ay goolka guusha ugu qalbi jabin lahayd Valencia.Laakiin Valencia ayaa sii xejisatay barbaraha , waxyana ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay barbaro 2:2 ah. Barbarahan ayaa Real Madrid sabab ugu noqday inay afar dhibcood ka danbayso Barcelona oo kulankii ay caawa ciyaartay guul ka gaadhay Real Sociedad, waxaana hadda horyaalka ka hadhay laba kulan oo kaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.