Ra’isal Wasaaraha Yuhuudda Oo Waji Gabax Kala Kulmay Madaxda Midawga Yurub

0
Ra'isal wasaaraha Isra'iil iyo Madaxweynaha Faransiiska

Brussels (Sayruuq) Ra’isal wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa magaalada Barasalis kula kulmay hoggaamiyeyaasha  Midawga Yurub isaga oo taageero u raadinaya go’aanka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’iil. Waxa uu sheegay in uu doonayo in midawga Yurub taageero go’aanka Maraykanka oo uu ku sheegay mid xaqiiqada ku saabsan salna u noqon kara nabadda la raadinayo.

Netanyahu waxa uu Midawga Yurub ugu manno sheegtay in uu marar badan la wadaagay xogo ku saabsan falal argagixiso oo ka dhici lahaa dalalka Yurub iyo xakamaynta wax uu ugu yeedhay maleeshiyaad muslimiin ah “Isra’iil waxay badbaadisay nafo aan tiro lahayn iyada oo ka hor tagtay falal argagixiso oo Yurub ka dhici laha, waxaanu joojinay fiditaanka Maleeshiyaadka Muslimiinta,” Sidaas ayuu u sheegay hoggaamiyeyaasha Yurub oo sheegay in sirdoonka Isra’iil fashiliyeen falal dad ku dhiman laha oo Yurub ka dhici lahaa.

Madaxa arrimaha dibadda ee Midawga Yurub Federica Mogherini ayaa u sheegtay Mr Netanyahu in golaha Yurub sii wadayo waxa loo dhan yahay ee bulshada caalamku u aqoonsan tahay Midawga Yurub. Waxay hoosta ka xariiqday sii wadida xalka lagu raadinayo labada dal oo ay tilmaantay in danta Isra’iil ku jirto.

Geesta kale Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulan la qaatay ra’isal wasaaraha Yuhuudda “Faransiisku wuxuu doonaya dalal ku wada nool nabad kuwaas oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay oo loo sameeyo Isra’iil iyo Falastiin dhexdooda. Ra’isal wasaaraha(Isra’iil) waxaan u sheegay in aanan ku raacsanayn go’aankii dhawaan Madaxweynaha Maraykanku ku dhawaaqay, kaas oo Faransiisku rumaysan yahay in uu khilaafsan yahay sharciga caalamiga ah halisna ku yahay nabadda,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Faransiiska oo intaasi raaciyay in aanu go’aanka Maraykanku dan u ahayn ammaanka gobolka iyo Isra’iil lafteeda.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.