Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Saamiga 19% Ee Itoobiya

0
Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Saamiga 19% Ee Itoobiya

Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Saamiga 19% Ee Itoobiya

Ra’isal wasaaraha Somali Xasan Cali Khayre oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu sheegay in aanay waxba kala socon heshiiska maalgashi ee dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta sidaas awgeedna aanay aqbalayn. Soomaaliya ooh ore ula socotay heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ayaa u muuqata in ay ka xun tahay dawladda Itoobiya oo la siiyay saami dhan 19% maamulka dekedda Berbera si ay u isticmaasho maaddaama suuqa ugu weyn ee dekedda loo horumarinaya yahay in Itoobiya wax kala soo degto waxna ka dhoofsato.

“Dariiqa dhabta ah waa in loo soo maraa Hantida ummada iyo maalgashiga Shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa shirkadaha heshiisyada iyo maalgashiga sameynaya inay soo maraan haayadaha dastuuriga ah waxaan leenahay hal dariiqo oo kaliya ayaa sax ah, dariiq kasta oo loo igmaday haayadaha federaalka, dastuurkuna awood siiyay ciddii marta waxaanu u sheegaynaa inaanaan aqbali doonin oo aanu sharciga la tiigsan doono,” Sidaas ayuu yidhi ra’isal wasaaraha Somalia.

Halkan ka daawo hadalka ra’isal wasaaraha

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.