“Ra’isal Wasaaraha Somalia Ayaa Saami Ku Leh Haamaha Shidaalka Berbera.”

0
Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilka Laga Qaaday

“Ra’isal Wasaaraha Somalia Ayaa Saami Ku Leh Haamaha Shidaalka Berbera.”

Guddoomiyaha guddida ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiillada ayaa walaac weyn ka muujiyay haamaha shidaalka Berbera. Muddooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay shidaal wasakhaysan oo dalka soo galay iyo shidaallo xaydh leh oo lagu shubay kaydka haamaha shidaalka.

Guddoomiyaha guddidan Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in shirkadda maamusha Kaydka Haamaha Shidaalku ku guuldarraysatay in ay sheegto saamilayda shirkadda. Waxa uu walaac ka muujiyay in ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka mid yahay saamilayda shirkadda maamusha Haamaha.

“Waxa noo soo baxday in ay khatar ku jiraan Haamaha Shidaalku maaddaama cadow badan jiro oo ka gaa’iidaysan kara shirkaddahan ku bahoobay meesha oo aan intooda badan laba hayn yaa leh Saamiyada? Xaggay ka soo jeedaan? Oo aan magacyadoodii la hayn oo shirkaddu ku guuldarraysatay in ay sheegeen saamilayda,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Shire.

Waxa uu intaasi raaciyay in uu xog ku hayo in shirkad ka mid ah Saamilayda uu leeyahay ra’isal wasaaraha Soomaaliya “Xogta aanu hayno waxa ka mid ah in shirkadda loo yaqaano Som Oil ra’isal wasaaraha Soomaaliya Saami weyn ku leeyahay taasna ay khatar ku tahay Qarankan. Haddii la doonayo in shidaalka laga aafeeyo waxa lagugu shubi kara wax aan tayadoodu sarrayn sidii maalmihii dhawayd dhacday,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Shire.

Xukumaddii Madaxweyne Siilaanyo ayaa Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland ku wareejisay shirkaddo ka shaqeeya soo dejinta shidaalka oo is bahaystay waxaana cajiib ah dhawaaqa guddidan maaddaama xilligan xiisad ka dhex taaggan tahay Somaliland iyo Somalia, Islamarkaana muddooyinkii u dambeeyay laga cabanayay tayada shidaalka wasakhaysan ee dalka iyo haamaha laftooda soo galaya.

Halkan ka daawo hadalka Xildhibaan Naasir

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.