Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Wiigga Dambe La Dooranayo Iyo Cidda Loo Badinayo

0
Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Wiigga Dambe La Dooranayo Iyo Cidda Loo Badinayo

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Wiigga Dambe La Dooranayo Iyo Cidda Loo Badinayo

Xisbiga Isbahaysiga EPRDF ee talada Itoobiya haya ayaa todobaadka soo socda dooranaya guddoomiyaha EPRDF ahna ra’isal wasaaraha bedelaya Hailemariam Desalegn oo is casilay bishii hore. Golaha xisbiga oo ka kooban 180 ayaa dooranaya guddoomiyaha xisbiga kaas oo noqonaya ra’isal wasaaraha dalka.

Madaxa xafiiska EPRDF Shiferaw Shigute ayaa arbacadii saxaafadda u sheegay in kulanka guddida fulinta ee xisbigu furmi doono Axadda soo socota ee 11 March “Dhammaadka kulanka guddida Fulinta golaha dhexe ee xisbigu wuxuu dooran doona guddoomiyaha xisbiga,” Sidaas ayuu sheegay Mr Shigute.

Golaha fulinta ee isbahaysiga EPRDF waa 36 xubnood oo awood badan kuwaas oo ka soo kala jeeda xisbiyada afarta ah ee ku bahoobay xisbiga kuwaas oo kala ah xisbiga Oromada, xisbiga Tigrayga, xisbiga Amxaarada iyo kan bulshada Koonfurta degta metela. Waxa la filaya in kulanka lagu sii bisleeyo ajandaha la hor gaynayo golaha dhexe ee xisbiga oo ansixin doono go’aammada ay gaadho guddida fulintu.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda AFP waxa si weyn loo saadaalinaya in ra’isal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen oo Amxaarada ka soo jeeda iyo Dr Abiy Axmed Cali oo ah Oromo ahna guddoomiyaha xisbiga Oromadu noqdaan xubnaha ugu cadcad ee la dooran doono todobaadka soo socda.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.