Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya oo Si Hufan uga Hadlay Qaabka ay Somaliya uga Faa’ideysan Karto Isbeddelka Ka Curtay Geeska Afrika

0

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya oo Si Hufan uga Hadlay Qaabka ay Somaliya uga Faa’ideysan Karto Isbeddelka Ka Curtay Geeska Afrika
Mudane Mahdi-Khadar, Waxa uu Soo Bandhigay in Is-dhex-galka Dhaqaalaha ee Gobalka ay Somaliya uga Faa’ideysan Karto Siddii Qaadka Soo Galaya Looggu Beddelan Lahaa Dhoofinta Milixda iyo Kalluunka.

Jabuuti():-Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Faderaalka ee Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo maalintii labaad ka qeyb-galay shir laga ga hadlaayey Mowjadaha Isbeddel ee Geeska Afrika oo ay soo qaban-qaabisay xarunta daraasaadka ee Heritage oo ka qabsoomay magaalada Jabuuti, ayaa si mug-weyn u sharaxay siyaabaha kala duwan ee dowladda Somaliya iyo shacabkeedu ba ay uga faa’ideysan karaan isbeddelkii dhawaan ka curtay guud ahaan Gobalka, waxaana uu iftiimiyey in Somaliya ay tahay meesha ugu horreysa ee ku faa’ideysa isbeddelka ka socda Geeska isaga oo carabka ku dhuftay in boqolaalka Malyan ee qof ee dalalka jaarka la ah Somaliya ay suuq weyn u yihiin guud ahaan dalka isla mar ahaantaana si wacan loogga faa’ideysan karo qorshaha is-dhex-galka dhaqaalaha ee Gobalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), ayaa hadalkan ka sheegay dood dheer oo uu ka dhiibtay shirkan Soomaalida ee ka socda Jabuuti, waxaana uu soo bandhigay in is-dhex-galka dhaqaalaha ee Gobalka ay Somaliya uga faa’ideysan karto siddii Qaadka soo gelayaa looggu beddelan lahaa Dhoofinta Milixda, Kalluunka iyo waxyaabo kale oo la mid ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in heshiiska ay hore u wada-galeen Madaxda dowladaha Somaliya, Itoobiya iy Eriteriya ba uu ahaa mid salka ku haya is-dhex-galka dhaqaale ee Gobalka.

“Waxa aan rabbaa mid in aan caddeeyo oo ah in aynnaan inagu na sameynin hal-abuur, yacnii hal-abuurku waxa weeye in aynu inagu nidhaahno waxaasi sidaas bay u eeg yihiin oo aynu innagu turjumaado bixinno. Qorshahan ay saddexda Madaxweyne ee Somaliya, Eriteria iyo Itoobiya ba ay dhowrka goor ka kulmeen, waa in marka hore aynu caddeynaa oo sheegnaa is-dhex-galka laga hadlayaa muxu yahay, illaa haddana waxa weeyaan oo mawduuca ugu weyni yahay is-dhex-galka dhaqaale ee gobalka(Regional Economic Integration), hore na dhinaca amniga waa aynu iskaga kaashanneynay, se tanni waxa ay keenaysaa dhinicii xasilooniddii siyaasaddeed iyo faro-gelintii siyaasaddeed ee jiri jirtay ba in ay meesha ka baxdo. Is-dhex-galkaas na waxa bud-dhig u ah dhaqaale, midowgana la sheegayaana maaha waxa inta uu Madaxweyne Farmaajo uu Adis-ababa tago ama Asmara uu tago uu odhan karo saddexdii gobal ba waa ay midoobeen, Baarlamaan baynu leennahay oo laba aqal ah oo kula xisaabtamaaya, heshiisyada la soo gelaaya na haddaan golaheena Baarlamaanka ama shacabku ba ansaxinin, haddaanu aqalka sare ansaxinin heshiis ma noqonaayo illaa hadda na waxa hore loo yidhi waayeel waa ayo iyo waa innagoo is yeel-yeelayna, waxa aan lee yahay waar waad og tihiin siyaasiyiin iyo aqoonyahanka hadloow in war-murtiyeedka Madaxweyneyaal kulmay in aanu ahayn heshiis baa la soo galay iyo aw-haam, xaglo-geel na wax la qariyey ka weyn oo heshiis Madaxweynahu soo galay oo midnimo uu ku sameeyey ma wax qarsoomi karayaa.?. Wadamada kale laftoodu dee waa ay soo bandhigi lahaayeen, taasina ma jirto e’ yeynaan aw-haam isku qufulin.”. Ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed
Mudane Mahdi-Khadar oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in Somaliya ay wanaajiso gurigeeda si ay u la jaan-qaadi karto aduunyada kale iyo isbeddelka cusub eek a curtay Geeska, waxaana uu tibaaxay in wakhtigan ay muhiim tahay in Somaliya ay doorkeeda ka ciyaarto isbeddelka ka socda Geeska, waxaana uu yidhi:
“Way fiican tahay, shalayna waa aynu ka hadalnay maanta na waa aad ka hadasheen oo ah in aynu u baahan nahay laba shay oo ah Somaliya iyo is-dhex-galka dhaqaale ee Gobalka, waa marka Koowaad e’ waa Somaliya iyo in aynu inagu gurigeena aynu wanaajinno, in aynu aqalkeena ka shaqeynno oo nidaamkaa socda ee dib-u-eegistii Dastuurka iyo wada-hadaladdii dawladda dhaxe iyo dawlad goballeedyada. Dawladda dhaxe iyo Somaliland ba qeyb weyn bay ka tahay, waxa kale oo iyadu na qeyb ah ileyn aduunyada go’doon kaga ma jirnee in aynu ka shaqeynno dedaaladdaa socda ee Gobalka oo qeyb ka ahaanno, imika na aynu wax ku darsanno oo miiska tagno, aynu ka doodno.”.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo si qoto dheer uga hadlaaya siyaabaha loogga faa’ideysan karo isbeddelka curtay ee salka ku haya is-dhex-galka dhaqaale ee Gobalka ayaa soo bandhigay in maadaama ay dalalka Itoobiya iyo Kiiniya ba ay waxyaabo badan oo badeecadooyin ah iyo Qaad ba u soo dhoofiyaan dalka Somaliya sida oo kale sannad ba walba ay dhaqaale tiro badan ka xareystaan gudaah Somaliya ay taa beddelkeeda na Somaliya hesho fursad kale oo muhiim ah oo ay Milixda, Kalluunka iyo waxyaabo kale oo tiro badan ugu dhoofinayso dalalkaasi isla mar ahaantaana ay taasi tahay fur-furnaan dhaqaale oo soo korodhay. Waxaana uu dhiig-bax ku tilmaamay dhaqaalaha tirada badan ee maalin walba dalka Somaliya kaga baxa Qaadka iyo soo iibsigiisa.
“Shirkii Burrasells baan idiin sheegayaa ee aanu July ka qeyb-galnay, shirkaas maalintii Koowaad oo aan anigu shir-guddoominaayey, waxa laga ga hadlay Yurub iyo dawladihii waaweynaa ee aduunku sida uu gobalku ugu baahan yahay ee uu isku dhex-galo dhaqaale ahaan una kala faa’ideysto, maalin labaadii shir gaar ah oo qeyb gaar ah lagu casuumay oo Madaxda oo dhammi timi baa wax badan laga ga hadlay oo ah is-dhex-galka gobalka iyo faa’idada uu keeni karaayo. Tusaale yar baan idiin soo qaadayaa, waagii hore qoladayada Waqooyiga ayuun baa Jaadka(Qaadka) lagu yaqaanay laakiin imika Koonfur baa ka badisa, imisa diyaaraddood oo Miiroo sida ayaa Xamar yimaada maalin kasta, Waqooyi maalin kasta waxa ku socda dhiig bax, maalin kasta Milyan iyo Badh Dollar oo lacag caddaana ah(Cash) ayaa Wajaale laga tallaabiyaa , ugu yaraana waa $700,000,000(Toddoba Boqol oo Milyan oo Dollar) weeye lacag gaadheysa dhaqaalaha Waqooyi ka baxa ee ama Barasho, Basal ama Jaad ba amba dee si kale oo qarsoodi ah ba(Kootarabaan) ha lagu soo geliyee sida Khamriga oo kale, waanan ka xumahay in aan Khamri idhaahdo laakiin marar badan waad aragteen iyada oo la burburinaayo Khamri tiro badan oo la qabtay, markaa waxa waxa Itoobiya ka imanaaya wax ay Waqooyi ama Somaliland ku beddeshaan ma jiro, Milixda iyo Kalluunka waar naga ga beddesha laga ma shaqeyn oo lama odhan, maalin kasta na Shan Diyaaraddood oo sida Shan boqol oo Bag oo Qaad ah oo caafimaadkeenii u xun oo ilkahii inaga daadiyey oo Maskaxiyan innoo dhaawacaya ayaa Kiiniya innooga yimaada. Markaa miyeyna ahayn in inta aynu fadhiisanno in aynu nidhaahno waar dhaqaale ba innaga oo aan heynin dhiig baxan Kiiniya iyo Itoobiya inaga ga socda maxaynu ku beddelnaa oo arrintaa ma ka wada fadhiisannaa.”. Ayuu yidhi Mudane Mahdi-Khadar
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa sida oo kale uu yidhi:-“Dunida iyo Dhaqaalaha aduunku waa kala faa’ideysi, siyaasadda aduunkana iyagaa xukuma, markaa waa in aynu is weydiinaa sidee baynu uga faa’ideysan karnaa suuqan ballaadhan ee 100,000,000(Boqolka Malyan) iyo 50, 000, 000(Kontonka Malyan ah) oo sharkooda na iskaga moosi karnaa oo anigu waan u garaabayaa oo anagu na koox wasiiro ah baanu kaga doodnay oo waad og tihiin sheekaddii lagu dhigan jiray dugsigii Hoose ee Waxbarashada ee ahayd waraabihii laxda indhaha la’ ku soo cararay ee yidhi maanta hilib baad ka dheregtay, dee laxdu na meel ay u cararto ma haysato oo waa ay indho la’ dahay, deedna waraabihii baa dib u baqay oo yidhi ‘Laxdu Soo Na Cuntaa’ . Markaa Gal dad liqe ul baa la iskaga dayaa yee waar Boqolkan Maylan armay ina liqaan, Shantaa Boqol ee Kun ee wada aqoonyahanka ah ee wax wada bartay ee PHD da iyo wada Masterta haysta, boqolaalka kun ee Kiiniyaanka ah ee inaga aqoonta badan haddeynu isku furno armay armaa daadkaasi ina hafiyaa, marka fikirka kaas ahi waa fiican yahay laakiin yeynaan wax kale ku qufulin oo aynaan odhan Ereteria ayuu Farmaajo keensanayaa oo uu doonayaa in uu nagu qabsado iyo Itoobiya ayuu keensanayaa se taa cagsigeeda weeye arrintu.”.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya, waxa uu miiska soo dhigay in Xukuumadda Somaliya ay ka takhalustay General Gebre oo ahaa Sarkaal ka soo jeeda Itoobiya isla mar ahaantaana saameyn xooggan ku lahaa siyaasadihii hore ee Somaliya, waxaana uu muujiyey in ay farxad tahay in Somaliya ay gaarkeeda isku maamulayso iyada oo aanay jirin cid saameyn ku leh danaheeda siyaasaddeed iyo hawlaheeda shaqo ba.
“Waxa aan anigu ka shaqeynaayey 17kii sanno ee u dambeeyey Somaliya, Hargeys, Garoowe, Gaalkacyo, Muqdisho iyo Nayroobi ba, dhibbaatada ugu weyn ee Koonfuri ka cabataa ama Somaliya ay ka cabataa waa nin la odhan jiray General Gebre oo dawladnimaddeena jujuub ku hayey oo dastuurkeena door ku lahaa oo siyaasaddeena door ku lahaa, markaa waxa aanu dooneynaa oo is-dhex-galkaa dhaqaale ee gobalku na uu ka turjumayaa No More General Gebre, taa miyeynaan isku oggoleyn Soomaaliyeey, taa miyeynu ka wada-shaqeynaa oo nidhaahnaa taladayada anagaa iska leh, uma baahnin in faro-gelin la innoo sameeyo, uma baahnin in taladeena ay cid kale yeelato, inagu aynu isku tashanno laakiin yeynaan hal-abuur iyo dacaayado raqiis ah aynaan isku abuurin, Soomaalidu na waxa ay hore u tidhi afku wuxu la xoog yahay Magliga xawda kaa jara, waana u baahan tahay dawladda Somaliya in ay hesho Media Strategy oo dadka loo sharaxo muxu yahay is-dhex-galkan dhaqaale ee Gobalku, muxu faa’ido innoo keenayaa, maxaa khasaare innoogu sugan, taana dawladda loogga fadhiyaa in ay sharaxdo, aynu iska yara sugno oo yeynaan dacaayado uun ku furin, waana la sharaxi doona, waa laga hadlay, mar walba na waa laga hadli, Soomaali na waxa ay dani ugu jirtaa in ay tashato oo ay tidhaa maxaa xal innoo ah, waar isku xiiqnaye, isku daalnayee maxaa dan innoo ah, taas ayeynu ka wada shaqeynaynaa.”. Ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed.
Ugu dambeyntii, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dowladda lagu ixtiraamo nidaamyada socda isla mar ahaantaana mar walba ay ka faa’idi doonaan cidda ku guuleysata Doorashada dambe isaga oo carabka ku dhuftay in sida oo kale na ay dalka ka qaban doonaan Doorasho xor iyo xalaal ah oo qof iyo qof loo codeyn doono.
“Mid kale na oggaada, saaxiibkay Faarax Cabdiqaadirna waa fadhiyaa oo waa ka iga soo horjeeda, Saaxiibkay waagii hore haddaanu xasuusnayna anigaa xasuusan oo markii 2016kii la xulaayey Baarlamaanka ee muranka weyni ka taagnaa aqalka sare iyo xulista Baarlamaanka ayaanu Faarax sheekaysannay, waxa ay sheekaddaasi ku saabsaneyd nidaamkan socda yaa dhaxlaaya oo 2009kii waad oggeydeen shirkii Imbagaati Cabdillaahi Yuusuf baa soo baxay, dawlad buu dhisay, ra’iisal wasaare ayuu magacaabay, nidaamkii ugu dambeeyey waxa dhaxlay oo u aayey oo la yidhi si nabad loo helo Sheekh Shariif, Sheekh Shariif na meel buu soo gaadhsiiyey 2012 oo waxa laga Garoowe 1 iyo Garoowe 2 ay Sheekh Shariikh iyo Cabdiweli ba maadaam aay muddo badan hayey talada iyo middida daabkeeda ba oo ay filaayeen in ay soo noqon doonaan oo ay qeybta ugu weyn heli doonaan se tii may dhicin oo Xasan Sheekh Maxamuud baa ka soo dhex baxay, nidaamkii socdeyna waxa u aayey Xasan Sheekh Maxamuud, dawlad buu dhisay oo Cumar Cabdirashiid iyo Xasan baa isla soo gaadhay aakhirkii, nidaamkii ay iyagu na ka soo shaqeeyeen ee ay meel soo gaadhsiiyeen waxa ka soo dhex baxay Madaxweyne Farmaajo, markaa waxa aan lee yahay waar durba laba sanno ayeynu mareynaayee labada sanno ee hadhay fursad ma isa siinaa, waxa aan anagu soo wadnaa nidaam cuntamaya oo hal qof iyo hal cod ah, xor ah oo xalaal ah, Soomaali na wada deeqa, kaa na la eega oo na la baandheeya oo fikirkiina ku dara oo sida maalintaa ay faaladaas aanu uga wada sheekaysannay Faarax Cabdiqaadir ba ay run u noqotay Ilaahay baa og cid u aayi doonta markaa aynu ka wada shaqeynno wax wanaagsan oo innoo cuntama siddii aynu u heli lahayn. Is-dhex-galkaa dhaqaale na ama idinkaa u aayi doona ama Madaxweyne Farmaajo ayaa halkan meel ka sii sarreysa sii gaadhsiina isha Allah 2020ka.”. Ayuu yidhi Mudane Mahdi Maxamed Guuleed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.