“Rag Isku Maqan Lugu Maqan Oo Rag Iskama Celiyaan, Markaa Haddii Khilaafkeenu Jiitamo…” Gudoomiyaha Ucid

0
“Malaha imika  waxa haboonayd inay Addis-ababa tagaan oo waddamada afrika ee shiraya ay qadiyadda Somaliland la hortagaan” G. Cirro
Hargeysa (Sayruuq) Gudoomiyayaasha xisbiyada Ucid iyo Waddani ayaa ka hadlay arrimo kala duwan kadib markii ay shalay soo saareen heshiis lix qodob ka kooban.
 “Imika Addi-ababa waxa ka socda shirweyn oo Madaxweynaha Maraykanku ka hadlay oo afrika oo dhami isugu timi. berigii hore xukuumadii tan ka horaysay haddii ay shirarkaasoo kale geli kari waydo, albaabaday istaagi jirtay oo waraaqo ayay qaybin jiray. Way fiicantay in shacbiga loo tago oo xaaladooda xogogaal loo noqdo laakiin, malaha imika  waxa haboonayd inay addis-ababa tagaan oo waddamada afrika ee shiraya ay qadiyadda Somaliland la hortagaan oo haddii ay geli kari waayaan ka dhaadhiciyaan.” Sidaa waxa yidhi, gudoomiye Cirro
Dhinaca kale gudoomiya Ucid ayaa isna ka hadlay arrimo la xidhiidha ictiraafka iyo xaalada maanta. “Ictiraaf heli mayno, haddii aynaan marka hore dawlad  wanaag samaynin, ictiraaf heli mayno haddii aynaan inagu midaysanayn,  rag isku maqan lagu  maqan baa la yidhi oo rag iskama celiyaan. Haddii uu khilaafkeenu jiitamo oo aynu isku mashquulo, cadowgeenuu gacan ka helayaa, ictiraaf heli mayno haddii waxa aynu haysanno si siman loo qaybsan waayo, dad ishaysta gacan lama siinayo, haddii aanay asxaabta mucaaradka ahi raali ka ahayn waxa socda, lacag la siin maayo. Markaa si aanu uga hortagno waxaanu jecelahay in madaxweynaha ilaahay soo nabad celiyo, isagoo diiran oo dardar qaba inoo yimaado, dheguhu u furmeen inoo yimaado, shaqadiisa qabsanaya inoo yimaado.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.