Rag haduu is ficilsado ruugna meel wadadhigo raqaha iyo ramiimka Rugta looga kici Abid Qallinkii Mustafe Khaliil Cabdillaahi

0
Qormadaydan manta waxaa ku falaqaynayaa kuna lafo guri doonaa asaaska iyo keenistii guushii xisbiga talada haya ee KULMIYE
 anoo in badan aan dul istaagayn qodobada maadama oo aad muudo in badan loo baahanyahay sixitaanka aragtiyaha kala duwan ee ka guuxaaya warbaahinta dalka gaar ahaan kuwo aad moodo in ay si gaar ah cid u buunbuuninayaan iyaguu isu xaglinaya lahaanshaha xisbiga iyo kooxdaase iyadu tahay lafdhabartii xisbiga guud ahaan qodobadaas iyo talo soo jeedin iyo baraarujin guud.
Hadaba waayo kulmiye ?
Kulmiye yaa aasaasay ,?
Ma la odhan karaa xisbiga kulmiye laba reerbaa ku heeshiiyey
Xisbiga ma deegaano gaar ah ayaa lagaleeyahay?
Su’aalahaas iyo kuwe kalaba waxaan uuga tagayaa bulshawaynta aan maqaalkan maanta aan uugu soo bandhigayo bulsho waynta reer Somaliland
Uugu horayn xisbiga kulmiye waa xisbi qaran maaha xisbi lakala sheegankaro
Iyadoo laga duulaayo ama laga amba qaadaayo fikir qabiil ama deegaan
Xisbigu wuxuu leeyahay aasaasayaal iyo dad run ahaantii usoo halgamay xisbiga kuwaas oo muruq maal iyo maskaxba u soo huray ka midha dhalinta iyo ka gungaadhista u jeedooyinkii losameeyey xisbiga iyo guud ahaan himaladiisa
Xubnahaas oo ilaa hada ku taagan ka midho dhalinta riyooyinkii xisbiga halka kuwo kalena ay ku biirayn xisbiyo kale halka kuwana ila maanta ay ka dhursugayaan halkay wali isugu luwo duwan lahaayeen
Xisbigaas qaran waxaa soo martay dhiilo badan oo kaga timid dibada xisbiga iyo lugaayo xubno gudaha xisbiga xubno ka tirsani ay wadeen
Haddaba, Xisbigaas aynu wada ognahay hawsha ka qabsatay bulshada reer Somaliland iyo inta hiil lagaliyey ay muuqato ma mudna in maanta cidgaari afduubato iyadoo danaheeda gaar ahaaneed ka dhex daruusanaysa xisbiga sidoo kale maaha wax loo baahanyahay ama qurixi ku jirto in cidgaari ay difaacdo .
Waxaa xusid mudan in mudane xuseen axmed caydiid oo ah xubnihii uugu horeeyey ee asaasay xisbiga kulmiye inuu xusay in kornayl muuse biixi ahaa ragii uugu danbeeyey ee lagu qanciyey ku soo biiritaanka xisbiga kulmiye isagoo ka soo digo rogonaaya ururkii hadhay ee asad isagoo ahaa xubnihii firfircoonaa ee ururkaa asad .
Hadaba ma la dhagaysan karaa dadyowga dhalinta haweenka iyo duqayda leh ee si isdabajooga uuga hadlaaya warbaahinta iyo ku baaqaya wax iska dhicin awood muujin iyo iska riixis cidgaara iyagu ku andacoonaya in la dhinac ay hore heshiis ugaleen heshiiskaas oo ah ka maanta ay dhibaatadu ka taagan tahay heshiiskaas waar ka ladoortow waad ku khaldanayd heshiis qarsoodi ah oo boqno goyn ku ah shacabwaynaha ku doortay inaad gasho haday jirto.
Ka sheeganaya in heeshiis lagaaga baxayow waxaan ku leeyahay qudcurbaad gudaysaa riyo madhalaysana waad ku jirtaa ee maye dadyowgii xisbiga asaasay. Maye shacabwayniihii xisbiga lahaa xaqiiqadu waa xanuun se waa dawee yaan la iska indho tirin u hogaansankeeda. Dalkan hore ayaa loo xasiliyey iyadoo loo maray wadooyinka kala duwan oo qaarkood dhiig iyo qaxba keensaday
Muwaan din makula tahay in dadka qaar loo xasuuqi dawlad baa la dhalinayaa.
Adna waxaa lagaa ogalaan wiixii dadka loo xasuuqay ayaad dhib la’aan ciidku shubi, waxaan leeyahay arrintaaas hortaa jirre ayaa laga diiday Xaaji. dalka waxa habboon in nabad-gelyadiisa si wanaagsan oo ilaaliya oo aan lagu xad-gudbin xaquuqda Muwaadiniinta, iyadoo uu shaqsi doonaya wax dantiisa oo aragtiisa ah. qofka waxa fiican iyagoo aragtidiisa haysa inuu ixtiraamo bulshada iyo nabad-gelyada dalka.
Qallinkii Mustafe Khaliil Cabdillaahi
Hargaysa/Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.