Rag Is Gurayaa/WQ:Cali Gurey

0
Rag Is Gurayaa

Rag Is Gurayaa
Way ahayd in markiiba kuwa xogogaalka u ahi ay ka jawaabaan weliba Wasiir baa hadlay uu Wasiirka sexeexyadaba lihi jawaabta ay istaahilaan siiyo. Ma laga yabaa labadii mawqif ee Somaliland iyo Somaliya ay ku kala aragtida duwanaadeen ee khilaafkii Khaliijka in Qadar oo had iyo goor ka firfircoon dalalka kale ee Khaliijku ay ku lug leedahay dagaalka ka dhanka ah DP World iyo Imaaraadka uu ku jiro masaaliixda Imaaraadku ku leeyahay mandaqaddan. Wax walba ka yaab balse Imaraadku ma rubbad bay doonayaan inay inan ku dhalaan haddii aynu Somaliya kaga toosno oo in badan oo kale kaga toosno Qadar saw in iyagu ay shaxda la dhigaan maaha? Miyaanay ceeb iyo liitinimo ku ahayn in magaalada yar ee Dooxi ay uga soo duuduubto Geeska Afrika? Ma waxay garan la’ yihiin u hiiliya Somaliland ayaa idiin hiilisay mise noo hiiliyaba lama odhanin ee xaalku waa af wax cunay xishoo waa maxay habrashada labada masuul ku jirtaa? Maxay og yihiin ee qarsoon? Wax loo sheego mooyee miyaan wax ay u sheegaanba jiron? Lakiin iska daa Imaarad eh dadkooda ayaanay xataa tamar ay wax ku fahamsiin karaan jirin. Hadda faahfaahinta heshiiskii DP World baraha warbaahinta bulshada een rasmiga ahayn waad ka heli kartaa laakiin channel-ka rasmiga ah (official channel) wax faahfaahsan lagama hayo. War wuxu inoo ahaa intii Sacad Madaarka ka yidhi. Anigu aniga oon eedaynayn cidna hadana in aan idhaa waar dagaalo badan baa inagu socda eh dee aan wax iska celino oo wax inaga celiya waa gar.
Xataa Aljazira ayaa imika uga horaysay oo sheegtay in mawqifka xukuumadda Muqdisho uu ka horimanayo wadahadalkii Somaliland iyo Somaliya oo wejiyadiisii hore ay labada dhinac ku heshiiyeen in dawladda Muqdisho aanay farogelin ama ka horimanin mashaariicda dhinaca horumarinta ee Somaliland. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland xataa intaana lagama hayo.

Rag Is Gurayaa

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.