Rabshado Khasaare Keenay Oo Ka Socda Itoobiya

0
Rabshado Khasaare Keenay Oo Ka Socda Itoobiya

Rabshado Khasaare Keenay Oo Ka Socda Itoobiya
Wasiirka warfaafinta gobolka Tigrayga ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in 3 qof ku dhinteen isku hor imaad u dhexeeya ciidamada gobolka iyo dad dibad baxaya.dad degaanka ah oo la hadlay laanta Axmaariga ee BBC-da ayaa sheegay in dhimashadu gaadhayso 5 qof ilaa 20 qofna la dhaawacay.

Mudaharaadeyaasha oo ah bulshada Raya waxay doonayaan in loo aqoonsado in ay qoomiyadda Axmaarada ka mid yihiin, islamarkaana laga hoos saaro maamulka Tigrayga ee ay hadda ka tirsan yihiin.

Isu soo baxa shalay galinkii dambe khasaaraha keenay ayaa sii socday galinkii dambe ee maanta waxaanay wararku sheegayaan in ay dadkaasi tobanaan sanno diidanaayeen nidaamka federaalka oo dhulkooda ku daray ismaamulka Tigrayga.

Source: Addisstandard

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.