Raaligelintii Daahir Rayaale Oo Taageero Siyaasiya U Soo Jiiday Jamaal Cali Xuseen Iyo Xisbigiisa

0

Hargeysa(Sayruuq)-Hadalkii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku raaligeliyay Jamaal Cali Xuseen iyo murashax xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa noqday hadal u soo jiiday taageero badan islamarkaana dejiyay niyadda labadan murashax.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa hadalkaas Jamaal iyo ku xigeenkiisa kaga raaligeliyay burburkii xisbigii UDUB oo uu masuuliyadeeda dusha ka saaray Cali Maxamed Warancade. Inkastoo aanu Geeska Afrika mawduucan ku samayn rayi ururin buuxda, haddana rayul caamka guud ayaa tilmaamaya in qadarinta ay bulshadu u hayso Daahir Rayaale Kaahin ay sababtay in weedhaha uu ku raaligeliyay Jamaal Cali Xuseen noqdaan kuwo miisaan leh oo wax tar siyaasi ah u yeeshay labadan nin ee dhallinyarada ah, iyadoo ay raaligelintaas iyo waranka uu Cali Warancade ku ganay toddobaadyadan u dambeeyay ahaayeen kuwii ugu saamaynta badanaa ee ay bulshadu sida aadka ah u falanqaysay.

Geesta kale Jamaal iyo Cabdirashiid laftooda ayuu hadalka Daahir Rayaale Kaahin u noqday mid niyadda u dhisa, waxaana hadalo uu Jamaal Cali Xuseen raaligelintaas ka dib jeediyay laga dareemay in hadalka Daahir Rayaale u noqday naruuro siyaasadeed oo qalbiga u qaboojisay islamarkaana ku sii dhiirigelisay  inuu u dhabar adeygo jidka siyaasadeed ee uu hayo oo aan ahayn mid fudud, marka la eego dagaalka siyaasadeed ee dhinacyo kala duwan kaga furan.

Si kastaba ha ahaate, waxa la isku waafaqsanyahay in mar walba aanu hadalka Daahir Rayaale Kaahin khayr mooyee shar u ahayn Jamaal iyo ku xigeenkiisa, waana sababta sidoo kale ay dad badani u aaminsanyihiin inay sidoo kale taageero siyaasi ah u soo hoysay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.