r Maxamed Cabdillaahi Cumar Oo Noqonaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Som

0

Hargeysa(Sayruuq)- Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo hore xukumadda Siilaanyo uga soo qabtay xilalka wasaaradaha arrimaha dibadda iyo ganacsiga ayaa la filayaa in loo magacaabo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu baneeyay Maxamed Biixi Yoonis oo shalay is casilay.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay madaxtooyada Somaliland la xidhiidhay Dr. Maxamed oo ku sugan dalka Kenya, lana filayo inuu Arbacada beri  soo gaadho caasimadda Hageysa, markaas oo loo magacaabi doono xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo hore uga qaaday.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa bishii May ee sanadkii 2014-ka wuxuu xilka wasaaradda ganacsiga ka qaaday Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar. Waxa uu madaxweynuhu ku qoonsaday kadib markii uu Maxamed Cabdillaahi Cumar taageeray Muuse Biixi oo wakhtigaasi la loolamayay Madaxweyne Siilaanyo, halka wasiirada wakhtigan iscasilay la safnaayeen Madaxweyne Siilaanyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.