Quruxleydii galbatay oo garabka weysay

0

Quruxleydii galbatay oo garabka weysay

Caasho kaliya lama kufsan, kaliya lama dilin ee noloshaa lagu silciyey.

Waxaa la sheegay saaka markii lasoo tuuray ayadoo jiwaan ku jirtaa inay noolayd laakiin naf silic leh ay ku jirtay.

Waxaa la sheegay markii saaka la keenay in indhaha mid banaanka taalay oo u muuqatay inay goor horaba laga tuuray, bal qiyaas in ay la noleed xanuunkaas ilaa shalay.😢

Waxaa la sheegay ilkaha in inta badan laga riday una muuqatay in Dhagax looga garaacay.

Waxaa la sheegay xubnaaheda in qaar la jarjaray gaar ahaan meelaha ugu xanuunka badan sida,xubnaha taranka iyo meelo kale bal qiyaas inay xanuunka meelahas la jarjaray ilaa xalay la nooleed.😢

Waxaa la sheegay in la ceejiyey oo waliba markaa la keenayey ay madaxa bac ugu jirtay, bal qiyaas inay ilaa shalay la noolayd neef ku celin iyo neef qabatin.😢

Waxaa hubaal ah nimanka dhibkaas gaystay inay jiraan maanta dad garanaya oo Galkacyo jooga laakiin ehelnimo u qarinaya.ha qarsan arxan laawe ee cadaaladda keen. we

Fadlan guri kasta baaqan gaarsii si cadaaladda loo hor keeno.

Aan u istaagno cadaaladda caasho.

Mohamed Dahir Karama.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.