Qorshaha Shirkii Jabuuti, iyo Cabdiraxmaan Saylici…!!

0

Qorshaha Shirkii Jabuuti, iyo Cabdiraxmaan Saylici…!!

15 June, 2020 Magaalada Jabuuti waxa lagu Qorsheeyay in xukumada Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye laga saaro, Masuuliyiinta iyo shaqsiyaadka xidhiidhka dhow la leh Dawlada Imaaraat-ka Carabta

Masuuliyiinta la qorsheeyay in hogaanka xisbiga Kulmiye laga saaro waxa ka mid ah, gudoomiye ku xigeenka 4aad ee xisbiga Kulmiye, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa kale oo qorshaha jabuuti ka mid ah, in doorashada Madaxtooyada ee 2022, xisbiga kulmiye soo sharaxo Madaxweyne ku-xigeen kale, kaas oo la jaan qaadi kara isbedelada ka socda geeska afrika

Cabdiraxmaan Saylici, waxa lagu eedeeyay in uu xidhiidh dhow la leeyahay Dawlada Imaaraat-ka Carabta horena wax uga saxeexay heshiisyadii Dekeda, iyo Saldhiga Milateri ee magaalada Berbera, mudooyinkii dambena uu sii xoogaystay xidhiidhka ka dhexeya,Cabdiraxmaan Saylici, iyo Madaxda dawlada Imaaraat-ka Carabta

Qorshaha lagu gaadhay magaalada Jabuuti, waxa hormood ka ahaa dawlada Itoobiya, oo ay taageerayaan dawladaha, Jabuuti iyo Maraykanka

Waxa kale oo miiska la saaray in meesha laga saaro heshiisyadii hore ee u dhexeeyay Somaliland, iyo Imaaraat-ka Carabta, lana joojiyo xidhiidhka ganacsi iyo wada shaqaynta Imaaraat-ka

Si looga hortago talaabo ka timaada, dhinaca dawlada Imaaraat-ka Carabta, waxa la qorsheeyay in xididada loo siibo, masuuliyiinta ku jirta xukumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye

Dadka siyaasada ka faallooda, waxa ay sheegeen in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, aanu ka qayb geli doonin shirweynaha Xisbiga Kulmiye, todobaadka soo socdana uu safar ku tegi doono, wadanka Imaaraat-ka Carabta

La Soco Qaybta, 2aad
Jamaal Gobonimo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.