Qori iyo Qalin Ba Waan Ku Dagaalamayanaa Oo Tolow Inta ay Xeego Xeego aheyd maxay Runta iskugu Sheegi waayeen. “Hasha Geela Cuntee Hadana Cabaada”.

0

Waxaan halkan ka salaamaya dhamaan Hawulwadeenada Warbaahinta Intooda Sida Quman u fikrta gaar ahaan inta wanaaga iyo

hurumarka ka shaqaysa ,waxaa maanta magaalda hargaysa isku soo ururusaday qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawulgala dalka ,waxaa ka mid ah rag ka shaqeeya wargeysayada soo baxa .

Hadalada Ka soo yeedhay masuuliyantan ayaa ah mid xanaf iyo xajiimaysan kaaso noqonaya mid bulshada Somaliland fidno ka dhex abuuraya , mar ay maatna la hadleenWarbaahinta  Koox sheegtay inay iskXulufaysteen Ilaalilanta  Xuququl Insaanka iyo Xoriyatal Qawalka .

Waxay Ka Hadleen arrimo ay sheegeen in ay xukuumada Somaliland Tacadi ku hayso Saxaafadda Madaxa Banaan ,Balse waxay ilaawin in dalkan leeyahay Shuruuc iyo Qawaanin kala danbeyn ,Tusaale Ahaan akhriste hadii aad maanta been iyo mala`awaal ka sheegto shaqsi muwaadin ah ,waxaa looga fadhiya mulkiilaha iyo tafatiraha Warageyska wax ka qoray muwaadinka ,hadaba hadii laga waayo cadeymo cadcad wargeyskaaas waxaa uu mutaysanayaa waxaa uu ka qabo sharcigu .

Hadii talaabo sharciga waafaqsan loogu jawaabo cidii ka masuulka aheyd arrintaasi,ma maxkamadaa danbi gashay miyaa?

Guddomiya ku xigeenka ururka saxafiyiinta solja waxaa uu maanta isagu ku hanjabay inuu qoriga iyo qalinba ku soo dhacsanayaan xaqooda……xaqa ka maqan muxuu yahay isagaaba la siiyay xoriyad aan xad laheyn  naanayso iyo hadalo deel qaaf ah bay ugu yeedhayaan masuuliyanta xukuumadda ,SOLJA maxay uga hadli wayday intaan xeedhiyo fandhaal kala dhicin ,kolkay Haatuf  wararka been abuurka ah ka qoraysay wasiirada xukuumada Somaliland ma heshiis bay ka ahaayen cayda iyo aflagaadada iy ku tacdiga xaqul muwaadinka ,arrinkan aad maanta isku timaadeen waxay u muuqataa mucaarid oo hadal oo reernimo iyo wax ka dayida meel aan hadal ba laheyn ,wanaagu wuxuu ku jirra maxkamada gobalka waxay ka tidhaahdo kiisaska laga hayo haatuf.

Groupkan Dhabarka La soo taabtay ma noqon karaan qaar matala Shacabweynaha Somaliland ee xalaasha ah ee og halka xaqiiqadu taalo ,waana laga wada dharagsan yahay ficaladda waxashinamada ah ee saxaafada qaarkeed maanta adeegsato ,lix bilood ayaa haatuf cayda iyo aflagaada ay ka qoraysay wasiirka macadanta lagu iibsanayey miyaanay aheyn inay intaaso oo dhan ka hadlaan cida cadaalda ka hadlaysaa in runta loo sheego Hal Wargays oo caadeystay Dilaalista iyo Caga juglaynta Masuliiyinta uu ka Rabo baad iyo laalush ,se hadii aaney saxaafadu dhexdeedu is qaban Karin mayaanu xaalku aheyn “Hasha Geela Cuntee Hadana Cabaada”.

Akhristayaal idinka ayaa ah cida qudha ee kala saaraya Runta iyo Probgandada “Buunibuunta” ay ku can baxeen wargesayda qaarkood ,hore waatii uu inoo sheegay Rasuulkeeni NNKH waaki ina lahaa “Walaalka u hiili hadii kaga gardaranyahay iyo Haduu gardaranyahay”  Macnihiisuna ahaa hadii uu laga garadaran yahay Xaqiisa u soo dhicii Hadii Qaladanyahay na dadka ka qabo . Qarnigan aynu joogno waxay dadka aan Maskaxada badan laheyn u turumteen Macnihii Guud taasina waa Jaahilnimo iyo waxmagaratnimo ceeb inagu ah Hadaynu nahay Bulsho xalaal ah oo imaan leh.

Curad waxaa uu maanta ku dhawaaqay inuu shirkadaha isgaadhsiintu  Gaboodfalo ku sameysay Mareegta HAATUF Balse waxaa uu ilaaway in Maxkamadaha caalmiga ee Heerka kowaad ee aduunku ay  iskumid u tahay Mareegta iyo wargeyska is –lehi , tusaal ahaan Hadii wax laga sheego ama la aflagaadeyo astamaha dowladeed ee dalalka horumaray waxaa si toos ah Isgaadhsintas u  xidho mareegta  ficilkaa ku kacda , takale ma aha inaad is indha tirto oo aad tidhaa isku dirka umadaan u haliilaya .

Igu danbeyntii waxaan ku soo afmeeraya Faaladeydan saxaafaddu yaanay  ilaawin inay tahay Midi labba afleh taaso hadaad wanaag u adeegsatan ku anfacada ,xumaan u isticmaalkeeduna alle iyo ummadiisaba kaa fogeynaayo fartana lagugu fiiqi daano ,wadar iyo waax keeba waalan .

Said Ibrahim

Uganda Kampala

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.