Qoraalka Safaaradda Turkigu Ma Wiiqi Doona Dhexdhexaadinta Wada Hadallada Somaliland & Somalia?

0
Somaliland Oo Turkiga Jawaab Ka Sugaysa

Qoraalka Safaaradda Turkigu Ma Wiiqi Doona Dhexdhexaadinta Wada Hadallada Somaliland & Somalia?
Hargeysa(Sayruuq) Bulshada Somaliland ee isticmaasha baraha bulshada ee Internet-ka qaarkood ayaa si weyn uga soo horjeestay qoraal kooban oo safaaradda Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya ku qortay boggeeda Twitter-ka. Qoraalka ayaa gobolka Sool ku sheegaya in uu yahay Soomaaliya.

“Todobaadkii hore hay’adda bisha cas ee Turkigu waxay caawimo bani’aadanimo ku qaybisay gobolka Sool ee Soomaaliya,” Qoraalka safaaradda oo luuqadda Ingiriisida iyo tan Turkiga lagu qoray ayaa sidaas u dhigna waxaana la socday sawirro ay ka mid yihiin dadka kaalmada la siiyay iyo boodhka mucaawimada oo ay hareeraha kaga yaallan calanka Turkiga iyo Kan Soomaaliya.

Arrintan waxay imanaysa xilli dhawaan ergayga Turkigu u xilsaaray wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya sidii dib loogu bilaabi lahaa kulan la qaatay madaxweyne Biixi. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in madaxweyne Biixi u sheegay Amb. Oglan Baker in la balaadhiyo gogosha wada hadalka oo dalal kale lagu daro iyo in Turkigu taageeradiisa u dheellitiro Soomaaliya iyo Somaliland si ay bulshada Somaliland ugu kalsoonaato Turkiga.

Bulshada Somaliland ee qoraalkan ka dareen celisay oo aan diidanayn in Turkigu wax taro dadka Somaliland ayaa u arka in arrintani muujinayso siyaasad ahaan in uu ka soo horjeedo Somaliland.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.