Qoraalka Baaqshacab; Abwaan Abees

0

Waxa Qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees

Qoraalka baaqshacab waxa qoray dhallinyaro ka soo kala jeeda lixda gobol ee dalka Somaliland. Waa lexe-jeclo iyo dhambaal sida baraarujin. Dadka qabiilka ka dhigaaya waxa aan weydiiyay ma qofka dalkiisii iyo dawladiisii la hadlaaya ee caddalad-darrada iyo eexda maanta taalla dalka yidhi, “Waar ka daaya yaanu dumine,” ee wanaaga la doonaya dadkiisu goormuu Qaran dumis noqday? Yaase qabyaalad cid ku riixaya ma ka leh waa dawladayadii ee dadka ka sheeganaya mise ka leh waar waynu wada leenahay ee caddaalad aynu kala helno?

Warqada waan saxeexay tu la mid ahna haddii la ii keeno iyadana waan saxeexi, kuwa indhaha reerka wax ku arkow sidaa u ogaada in aan reer wadan ee annaguba aannu ku qanacnay.

Adiga oo aan cidda qortay halka ay ka soo jeedo ku mashquulin doodda ku qoran maxaad ka tidhi?

Waa la noolaan wax reebta

Ramadaan mubaarak

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.