Qoraal ahaan kaga Bogo Khubadii Madaxwaynaha Qaranka Somaliland ee 18 May 2015

0
????????????????????????????????????

Khudbadii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Mohamed Maxamuud Siilaanyo ayuu kaga sheekeeyay Wax-qabadka Dawladda uu gadhwadeenka ka yahay
” Walaalayaal Waxaan dadwaynaha Jamhuuriayadda Somaliland ugu hambalynayaa Meel walba oo ay joogaanba 24 guuradda ka soo wareegtay Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland,
si gaara waxaan bogaadin ugu dirayaa geesiyaasha Ciidanka Qaranka JSL ee kala duwan ee hadh iyo Habeen Heeganka u ah Adkaynta Amniga iyo Difaaca Dalka Hooyo,
Mudanayaal iyo Marwooyin Midawgii dhex maray labadda dal ee Somaliland iyo Somalia sanadkii 1960 waxa uu noqday mid burburay sanadkii 18 May 1991 Maanta waxa laga joogaa 24 Sano oo gaw ah Xilligaa aynu dib ula soo noqonay Xornimadeenii ubadkii dhashay iyo kuwii ababay maalintaas ayaa maanta Ariminaya Taasi waxay muujinaysaa sida uu qarankani u taabo galay una tisqaaday Maalintani waa maalin ku wayn quluubta shacabka Somaliland maaha mid ku timi dhayal iyo dheel dheel balse waxa loo soo shubay una shahiiday kumanyaal geesiyaal alle naxariistii Jano ha ka waraabiyee Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland waa Go’aan umadeed oo aan gor gortan lahayn.
Wax-qabadka Xukuumadda 2010-2015
shan sano ka hor markii aan talad dalka qabtay waxaan la wareegay khasnad madhan dayn gaadhaysa 45 Milyan oo doolar 6500 oo shaqaale dawladeed ah oo aan Afar bilood Mushahar qaadan,
Ciidan aan sarkaalkeda iyo Subeedkeedu aanuu kala lahayn Sumad iyo Sawrac Toona waxaan la wareegay wadooyin burbursan iyo kaabayaal dhaqaale oo aan la daryeelin iyo dalka oo intiisa badan lagu isticmaalo lacagtii giinbaarta ahayd ee Soomaaliya, waxaan la wareegay idaacadda qaranka oo aan dhaafin 20KM Guud ahaan waxaan la wareegay qaran ku jiray duruuf qalafsan,
Maanta shaki kuma jiro inaan horumar buuxa oo la taaban karo ku Talaabsanay hadaan mid mid u dul joogsado ma soo koobi karo wax qabadka Shantii samo ee aanu xilka haynay.
hadii se aynu soo koobno waxaan jecelahay inaan dhawr qodob ka taataabto.
Adkaynta nabadgaladu waa shay aasaasi ah anagoo ka duulayna taasi waxaanu Xooga saarany Dhismaha Ciidanka Jamhuuriyadda somaliland ee kala duwan iyo Hayadaha Amniga Qaranka Tayo ahaan iyo Tiro ahaanaba
Arimaha Doorashooyinka
Waxaan Xoog badan saaray in doorashooyinku ku dhacaan Xilligii loo asteeyey mana jiro waaanu hagranay aniga iyo Xukuumadaydu kuma faraxsani in doorashooyinku wakhtigoodii dib uga dhacaan, Mana jecel hadda iyo hore toona turuturooyinka ku yimaada Nidaamka Dumuquraadiyadda hawlaha Doorashooyinku waa Masuuliyad wadareed oo ay wadaagaan dhinacyo badan canaanta dibu u dhacana waa mid la wadda leeyahay waxaynu nahay qaran leh shuruuc iyo xeerar haga marka duruuftan oo kale timaadana waxa jira habab iyo qaabab loo marayo Gudida Doorashooyinka qaranku waxay ii soo gudbiyeen 20 Aprill 2015 qoraal ay ku cadaynayaan inaanay doorashadu xilligeedii ku dhici doonin anigoo ka duulaya arinkaas ayaan u gudbiyey gollaha guurtida oo u xil saaran waanay noo wadda taliyeen
waxaanan uga mahad celinayaa inay naga aqabaleen inaanu gogashaas aanu fidanay ay saaxiibadayo mucaaridku aqbaleen oo aanu iskugu iman doono wadda tashi inshallah ,

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.