“Habalaha Somaliland waa Gob oo Guur beeli maayaan tii alle u qoray guur beeli maayaan,” Hoggaamiye Xirsi

0

“Qolada Reer Kulmiye waxaan leyahay waa la tar-tamay oo tar-tankii dhamaa waana la Codaynayaaye Qaska inaga ilaaliya”
Dhamaan Dadka Reer Somaliland gaaar ahaan Reer togdheer waxaan idinku salaaamayaa salaanta islaamka.Salaan qiimo badan kadib waxaan aad iyo aad idiinka mahad naqayaa Reer Waddani sida aad cududiina u muujiseen ee aad ugu soo baxdeen ee aad bacadka ugu taagan tihiin ee aad heegan ugu tihiin Xisbiga ee aad diyaaarka ugu tihiin ee aad u bar-bar taagan tihiin ee aad codkiina ugu diyaariseen inaad siisaan ee aad ugu diyaar garawdeen inaad guusha gaadhsiisaan si Somalliland u guulaysato isha allaahu tacaalaa aad bad ugu mahadsan tihiin,
Waxaan Dadka Reer Waddani leeyahay manta waa maalintii ololaha ugu danbaysay waxaynu nasiinb u yeelanay inaan ahaano Xisbiga ugu danbeeya ee Dadka la hadla ee wax u sheega waxaan nasiib u yeelanay inaan ololaha kusoo khatino maalinta jimcaha ah oo ah maalin barakaysan oo la dhaho”Sayidul ayaam” maalamaha sayidkooda isha allaahu waxaan nasiib u yeelan doonaa inaa Doorashadana ku guulaysano oo noqono Xisbiga ugu tirade bata isha allaahu tacaalaa waxaan Reer Waddani leeyahay degenaan ku codeeya Anshaxana inoo ilaaliya ilaaliya dhaqanka iyo diinta waxaan leyahay Qof waloba masuuliyad ayaa ku saran waana lagu waydiin doona,
Waxaan leeyahay Doorashada cidbaa heli doonta waa lakala helayaa Waddani baana helaaya isha allaahu tacaalaa Reer Waddani waxaan leeyahay isu diyariya guusha u diyaar garaooba guusha waxaa gaadha ninka isu diyaariyee ee qorshaysta ee u socdaala waxaan leeyahay ninka guusha doonaa habeenuu usoo jeedaa waxan leeyahay guusha ilaashada waa muujiseen Reer Waddani meel kasta oo aad joogtaane guusha ilaashada waxaase ka wayn guusha Reer Waddani inay kursiga ku guulaystaan ka wayn ,Maxaa ka wayn?waxaa ka wayn guusha Somaliland waxaan leeyahay guusha Somaliland waxa weeye Dalkeena oo nabad ah oo Horumara ah iyo Qarankeena oo ilaashan ee aan ilaashano qarankeena wixii Qaranimada ku xun aan iska ilaalino wixii Dalkeena ku xun aan iska ilaalino guusha ugu wayni waa Dalkeena oo guulaysta taas baynu doonaynaa inaynu gaadhno.oo siduu ku guulaysanayaa?wuxuu ku guulaysanayaa isha allaah tacaalaa inaan Dalkeena wada ilaashano sida aynu u dha’nahay waa la tar-tamayaa,
Kuwa ku cabaadaya eek u dhawaaqaya ee meel walba la taagan ee Qabyaalada ku hadaaqaya ee Aabahay goblin leh ee Dadka ku leh Hablaheena ayaaa Guur beelaya waxaan leeyahay Habalaha Somaliland waa Gob oo Guur beeli maayaan tii alle u qoray guur beeli maayaan adigaa lagaa badinayaa beriba waad tar-tamiye Dalka yaan dhib loo gaysanin Dalka ha la ilaaliyo waxaan leeyahay yaan hablaha Somaliland wax loo dhimin yaan qabyaalada foolxumadeeda wax lagu kaakiciyo laga dhiganin iyo lagu hiiqsado,waxaan leeyahay isha allaahu tacaala waynu guulaysanaynaa. guusha maxaa muujiyay? dee way muuqataa oo Dadka Reer Somaaliland Codkooda way muujiyeen Dareenkooda way muujiyeen waxaan odhan karaa way codeeyeen way Codeeyeenoo muuqaalkoodii iyo hadalkoodiiba intuba way muujiyeen Reer Somaliland maadaama oo ay Codkoodii muujiyeen oo soo bandhigeen isha allaahu tacaalaa waynu guulaysanaynaa.Maxaase loo baahan yahay? waa markii ugu danbaysay ee Codka la Codaynayey markaaad Codayso uunbaan Codkaaga guusha ku gaadhaynaa sacabka iyo sawaxanka ku gaadhi mayno waxa lagu gaadhayaa maaha isu soo bax oo kaliya Sida Qolada Kulmiye ee Dadka Basaska lagu soo guray ee moodaya muuqalka Basaska in lagu guulaysanayo waxaan leeyahy Dadkii iyaga oo xor ah waakuwa halkaa tuman waa Dadkii Reer Togdheer oo cid walba leh koona walba ka yimi Doorashadooda ku yimi yagoo aan cidina lacag siinaynin aad iyo aad baaad u mahad san tihiin,
Qolada Reer Kulmiye waxaan leyahay waa la tar-tamay oo tar-tankii dhamaa waana la Codaynayaaye Qaska inaga ilaaliya waxaa idinka muuqata durbaba inaad cadhooteen waxaa idinka muuqata durbaba inaad salbabakhdeen waxaa idinka muuqata in durba degenaashihi idnka lumay waxan idin leeyahay degenaashuhu yuu idinka lumin ciyaarta waxaa loo soo diyaar garoobaa marka hore waxaana la qorshaystaa maalinta hore waxaana loo samaystaa Qorshe iyo hanaan aad ku gulaysato ayaa loo samaystaa habeen iyo maaalin wax lagu seexdo maaha idinkuna canaanta iska daaya Dalkana Qaska ka daaya Doorashadana ciwaj ha galinina,
Reer Waddanina waxaan leeyahay hadaynu guusha doonayno dul qaata oo codkina ha ka tanaasulina iyo xuquuqdiina xaq baad u leedihiin laakiinse dulqaaadka ilaaliya Dlkana inoo ilaaliya,
waxan leeyahy Komoshinka Doorashooyinka Qaranka oo ah cid manta lasoo eegaayo ee Dadka iyo Dalku eegayo oo dhamaan jawiga saaxada siyaasadu maaanyta ku xidhan yahay waa Komoshinka Doorashooyinka Qaranka waxaan leeyahay Dalka Masuuliyadiisii waxaa laga sugayaa dhawaqiina xilbaa idinka saran oo waa taad u dhaarateen lana hadli maayo Todobada xubnood oo kaliya ee waxaan la hadlayaa dhamaan qofkasta oo manta shaqada Komoshinka qabanaya ha joogo Gobol ha Joogo Degmo ama tuulo e waxaan leeyahay Cadaalad daro kaa dooni maynee Cadaalad baanu kaa doonaynaa Dadka iyo Dalka Somaliland a wuxuu ku guulaysanayaa Cadaalad ayuu ku guulaysanayaa Cadaalada ilaaliya oo Dadka u ilaaliya oo u ilaaliya wixii ay idiin dhiibteen,
Waxan leeyahay shaqada si fiican baad u wadaan oo idin eedayn mayno Hadaanay iminka idinka murkacan idin eedayn mayno ilaahayna waxaan idiinka baryayaa inuu idinku guuleeyo oo idinku asturo wixii aad nooga baahataaana waanu isku kiin bar –bar taagaynaa laakinse halkii ugu adkayd ayaad maraysan iyo Tiiradii dhawaqiina ayaa la sugayaa idinka waa laydin tijaabinayaa waxan leeyhay dhamaantiin u feejignaaada Usoo jeeda dhibta u dul qaata dhexda u xidha waxan idin leeyhay ha eegina tar-tanka dhaxda yada yaala laakinse waxaad eegtaan inaad haysaan Qaranka wixii ugu waynaa ,
Reer Somaliland waxay ku soo tabceen Nabad galyo waxan kusoo tacabnay in aan Xoog lagu kala badin ee lagu kala baadiyo Waraaq inaan Qori laysu qaadan inaan Gacan laysula tegin waa hanaanka aynu ku heshiinay wuxuu ku meel marayaa mudadaa shan iyo labaatanka sanadood ah ama ku dhaawacmayaa isha allaaahu tacaalaa waxba inaga gaadhi maayaane gacantiina ayaan leeyhay Komoshnka Doorashooyinka Qaranka ilaaliya nidaamka doorashada,
Dadka Reer Somaliland waxaan ugu dardaar-mayaa in xilkooda loo daba fadhiisto Komoshinkuna hawshooda iyagaa u idman hana lagu dhawro hana laysku bar-bar taaago haday wadada ka leexdaan waxaa la odhan wadada ku leexda waxay qaldaana waa loo sheegayaa laakiinse waxaan leenahay si wax wanaagsani inoogu soo baxaan ha la ilaaliyo,
Sidoo kale Ciidamad Qalabka sida waxaan leeyahay meelkasta oo ay joogaan in nabad galyada laysku garab taago oo lagu ilaaliyo waayo inaga ayey ina ilaalinayaan inoo adeegayaan ka an shegayo ee aan leeyahay waynu kusoo tacabnay ee askarigaa hortyada taagin dirays buu sitaa wuxuu sitaa dhar wuxuuna inagaga duwan yahay waa diryska oo ay dadku kaga baqayan saw maah? ma wax gaara ayuu dadka dheer yahay? waxaynu qaadanay inaynu dirayskaa ixtiraamno sida aynu calankeena u ixtiraamayno ayeynu qaadanay inaynu u ixtiraamno,
Waxaan leeyahay Dadka Reer Somaliland Ciidamada Qaranka Ciidamada Police ka ciidamada dhamaantood waxaan leeyaahay ha loo hogaansamo ,
waxaan ugu Danbaysiin Doorashadii way taagan tahay ololihiina maantaa isha allaah u tacaalaa ugu danabysa Dadka meelahaa la taagan eel eh kaadh baa la uruuriyay ama la qaatay waxaan leenahay waar anagu kaadh uma baahnin inaanu uruurino Dadkaa kaadhadhka hayo anagu Dadkaanu haynaa waa kuwa hortayada tuban Dadkow kaadhahkiina ilaashada Qof waloba ilaasho kaadhkaaga Qof waloba Codaynta u diyaar garaw Qof waloba laynka isu diyaari inaad salaada istaagto isu diyaari guushii aan wadnay ee aan kuso tacabnay intaas baa ka hadhay u diyaar garooba hadii alle iidmo isha allaah u tacaalaa waraaqa tilmaanta ah ee Xafiisyada la dhigayo waxaa loogu tala galay inaad sii eegataan sida loo codaynayo.waxaan arkayey inabad in Komoshinka iyo Xisbiyadaba in lagu dhibo oo meelahaa layska waydiinayo munaaqibiinti meeday deegankayagu meeday waxaan leeyahay waar munaaqibiintu wax la qaybsado maaha waa wax sanduuqa ilaaliya Xisbiyadaana Doorta oo deeganada waxaa laga qoraa Qof Qof nidaamka iyo laynka toosintiisa ilaaliya Qofna sanduuqa ayuu ilaaliyaa waa la diyaariyay Xisbiyada kale warkooda yagaa oge Reer Waddani dhamaan waa la diyaariyay waxaana ilaa caawa ay ku sugnaan doonaan oo lakala diri doonaa in ay goobihii loo asteeyay tagaan isha allaahu tacaalaa waxaan leeyahay Qof waloba halka aad joogto munaaqib baad ka tahay waxaanse leeyahay ma jirto munaaqib loo qaybsaday Reero ama degaano waa wax maalin qudha shaqaynaya e maaha wax shaqo abuur ah waxaan leeyhay Dadka qaladka fahan san ee moodaya in deeganada loo qaybsanayo munaaqibiinta waa lasoo toobabaraa waa lasoo diyaariyaa waxaana loo soodiyaariyaa inay sanduuqa ilaaliyaan,
Waxaa llaga sheekeeyaa Bangigan agteena ee Burco ayaa nin Reer miyi ahi lacag dhigtay intuu xoolo iibsaday ayuu ag seexday oo ilaashaday markii gabalku dhacay la yidhi maxaa meesha ku dhigay wuxuu yidhi lacag baan dhigtoo aan ilaashanayaa waxaan leeyahay ninkaa Reer miyaga ah kama liidanee aan Codkeena ilaashano oo Codkiina ilaashada dulseexda Qof walowba munaaqib baad tahay,
Waxaan kusoo gaba-gabayn marka aan guulaysano waxaa laynaga sugayaa deganaasho iyo inaan si masuuliyadi ku jirto u dhaqano yaanay idinka badanin isha allaahu tacaalaa markaan guulaysano.waxaan ilaahay ka baryayaaa waa saacatu ijaabe oo waa jimcee inuu inagu guuleeyo oo Xisbiga Waddani guulaysto Doorashada isha allaahu tacaalaa,
“Guul Waddani”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.