Qodobada ay ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo Kulmay

0

Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay kulanka Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ku dhexmaray Addis Ababa

Addis Ababa (Sayruuq)- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay.

madaxweynaha iyo raysal-wasaaraha

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo la sheegay inuu qaatay muddo saacad ah, waxay kaga wadahadleen qodobo la xidhiidha xidhiidhka iyo cilaaqaadka kala duwan ee u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markii uu dhammaaday shirkaasi la hadlay warbaahinta, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabaha ay ka wadahadleen, waxaannu yidhi, “Waxaanu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ka wadahadalnay danaha labada dal, xidhiidhka labada dal oo dhinac walba leh ayaanu ka wadahadalnay, sida arrimaha nabadgalyada. Shir fiican oo aannu si wanaagsan isu afgaray ayaa noo dhacay oo aannu aad iyo aad u soo dhawaynayno.”

“Waanu uga mahadcelinaynaa Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya sida sharafta iyo qiimaha leh ee uu noo soo dhaweeyay,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa kulankaas ku wehelinayey xubnaha weftigiisa ee socdaalka shaqo ku jooga Itoobiya iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, kuwaas oo kala ah; Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxameed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal iyo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.

Dhinaca kale, Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo qayb ka ah weftigaasi, ayaa kulan la qaadatay marwada Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Roman Tasfaaye.

Labada Marwo ee Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, waxa la sheegay inay kulankooda kaga wadahadleen xidhiidhka iyo danaha ka dhexeeya haween weynaha labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta arrimaha haweenka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.