Qisada Qalbi Dhaya: Abwaan Dhako Iyo Abwaan Farxaan

0

Abwaan Ahmed Mohammed oo loo yaqaan Abwaan dhako saw habeen dhawayd maan daardaarinoo sidaan u lahaa Abwaanku wa kula saayirayaa Hubkii waa weynaa iguma ridin

Farxaan…
Qoon kaaga daran caashaqii, kugu qaloocdaaye
Hadaan gabayadii aad qortaye, qeexday laba eegin
Qalbidhaya hadaan lagula rabin, qaarna kula doonin
Marhadaan qisaba waa qisee, lagula qoondaynin
Kuma qabato oo waxad u tahay, qaran abwaankiiye
Dadkii aad qunbuludaa murtida, qabarka taabsiisay
Qorshahooda kuma aanay darin, kumana qiimayne
Aduunbaa u qiiraysanoo, waano soo quba’e
Ku qasaartay ina maxamedow, qaaflaydii shalay

Abwaan dhako…
qada gabayga hadal qeexanoo qaawan, bad tidhiye
Qalbi dhaya hadii aad taqaan, qaayihiyo muuqa
Qotonka iyo joogiyo hilbaha, quruxda jaaheeda
Iimaan qaniya diinta iyo,sharafta qoyskooda
Qawlkiyo deganidiyo wuxuu, qaadir ugu deeqay
Jacaylkaan u qabo iyo siday, ii qaderinayso
Inaan nolosha wada qaadaniyo, qaradka aan gaadhay
Qaayaha kalgacalkaan wadnee, qorayay joornaalku
Qudha laysu huray wixii la maray, qiiro iyo oohin Qoftan uu allaha qaadir ihi, qaybta igu siiyay
Sharafteeda tii aan qasriga, sare u qoondeeyay
Een kala qashaaf idhi hudheel, qaylo iyo buuq ah Qalbidhaya qofkii garanayaa, wuu u qirayaaye
Waad qasaartay waxad iigu tidhi, qaafil baad tahaye
Qasrigana hadaan looga tumin, sarena loo qaadin
Abidkaa waxaan idhi ha qorin, hana i qiimaynin

Farxaan….
Qorshe maanso geeraar qafilan qodob la miisaamo
Qaayuhu walaw uu ku jiro, qarinta xeeshooda
Waxan caawa saa ugu qayaxay, waa mid qara weyne
Qurux iyo wixii aad amaan, qubaysay hawraarta
Yartii aad qalbiga siisaye, qarawday awgeeda
Qalbidhaya midaad ula baxdaye, dumar kasoo qaaday
Yartii aad qudhaba daymisee, qacanta loo saaray
Qabarkeedu inantuu abwaan, qaaradaha gaadhay
Qurbahaa warkii noogi yimi, qaaday weriyuuye
Qarash soodiraa iyo si kale, wax u qorshaynaaba
Waxan ahay qareen kuu socdoo, qiilna kuu wada’e
Qoyskanaad ku taamaysid baan, kuu quminayaaye
Waa maxay qilaafkaad wadiyo, qadafka aad sheegtay?
Qunyar baad wax meelayn jirtoo, waan ku qoonsadaye
Hayeeshee nin qalan baa tahoo, qaba jacayl weyne
Qays iyo cilmiba kii dilaa, qoorta kuu sudhane
Qader eebbe walaw uu yahoo, qaybku naga daahan
Adna qaadirkay kuguma daro, qoomankaa tegaye
Waadigan qalalay sida udbii, qudhacda dhoomoode
Waadigan qofkii kula hadlaba, qaadacee jaraye
Waadigan cidlada qaayibee, meel ku qawlalane

Hadii aan qasdiga aan watiyo, kuu qayaxo weedha
Markii aad qaryaanimo darteed, qiratay boogtaada
Ee aad qasriga madaxda iyo, qaydka uga sheegtay
Qarankaa u kacayaan lahaa, way qaderiyaane
Yartanuu kalgacalka u qarxee, qodatay laabtiisa
Iyaguu quweeyaan lahaa, way u soo qabane
Hayeeshe ma kuu qaalabixin, qubaradeeniiye
Qosol bay la wada jiifsadeen, qidhimna doorteene
Anna qaylo dhaantaadi baan, soo qandoodsadaye
Waa maxay qilaafkaad wadiyo, qaladka soo muuqday ?

Abwaan dhako….
Farxaanoow tixdad soo qortaad, qaafka ka abaartay
Wa gabay abwaan wayni qoray, beeni waa qalade
Hayeeshee qiyaastii markaan, qaas u wada baadhay
Qoraalkaagi hore iyo kan kale, midiba wa qaabe
Qalbi dhaya warkeedaan ka riday, qaaradaha caalam
Jacaylkaan u qabo waa midaan, abid qarsoomayne
Qurbahiyo dalkaa laga ogyoo, taa adaa qiraye
Nin qalqaale galay o dagaal, dhab ugu qaashaartay
Qacdii horeba xabadii hadu, kay qalibi wayday
Mar labaad ku qabo yaa ka wacan, quuso oo samire
Waxan ahay abwaan jiray qarniyo, aan wax loo qarine
Waxaan kugu qilaafiyo waxaan, qoonsadaa jiraye
Nin dagaal qastiyay oo u kacay, dirir inuu qaado
Qaban qaabi mooyee bajidu, qaladba weeyaane
Qofku toogtay shiishkii haduu, kaga qacsiin waayo
Marlabaad ku qabo kii yidhiyo, quuso kala roone
Quluubtaada hadalkaad wadaan, qayb kasii garane
Qalbi jebinta, mooraal qaska ah, layma qariyaanta
Dalkanaan qabsaday oo naftaan, qool u soo sudhaye
Kan qasaday qofkii shalay tegaa, ku ah laba qaabe
Waxba hadalku yuu iga qasmine, waxa qaraarkii ah
Jarmal haduu qabsado tayda way, ku qasbanaadaane
Qasrigiyo dalkii hooyo iyo, qarankiyoo jooga
Qawliki aan adhi anaan helin, weli qaraarkeeda
Qurba joog shaxaadbaan iyana, meesha qabanayne
Qaderkiyo markuu noqon anoon, qaybka garanaynin
Qofka ugu horeeyaad ahaan, aan ku qaabilo’e
Marti qaadka kaadhkiisa qabo, oo qasriga kaalay

Farxaan
Qarqarsiga hadaan goosto iyo, qoolka igu meersan
Qawlkaygu wuxu gaadhayaa, qaaradaa kale’e
Ninbaan ahayse kala qaaranoo, waan qadhqadhayaaye
Iswiidhan baan yare qabtiyo, qoodigaa midige
Mar horaan qunbuladii cuslaa, soo qadimilaaye

Axmedow qiraalaha murtida, qun ugu haasawga
Qalanbaawi weyn baad ku tahay, oo rag qawllalaye
Kaftankaynu qaadaa dhigniyo, qaansadiyo leebka
Qacdii hore markaad boodayee, qiiqu kugu meeray
Qalalaaska doodii markay, qawga fananaysay
Markii ay qarkaa iyo qarkaa, meela qaban wayday
Nin jacayl qafilay baadtihiyo, qaa’ibkaa maqane
Waataan qabaw kuugu dhigay, gabaygi qaynuune
Abwaanba quruumo iska xiga, qoysna kala dheere
Aniguna nin hiil qaadayoo, qacan ku siinaya
Oo adiga wax kula qabanayo, qayr wadaan ahaye
Inta aan quraan badan akhriyay, qaafa iyo tawba
Oo aan qushuuc iyo salaad, qaafir uga tuugay
Qalbidhayaan ducada kuu holday, qaadir kuu idnaye
Qasrigana inaan kaaga tumo, waad u qalantaaye
Anna waan qabilay kaadhkanaad, qoray abwaanawe
Qorax iyo habeen goorta ay, qumay amuurtaasi
Qabyo eebbe kaagama dhigiyo, quud ku baal mara’e
Qasab weeye inaab kuu tirsha, maranso qiimo leh

Jimce wanaagsan asxaabta sharafta badan

Farxaan Maxamed Jaamac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.