Qaraarka 2aad ee Maxakamadda Sare (Qaybteeda Dastuuriga ah) waxa ay laashay, diidayna

0
Biyo-la'aan....

Qaraarka 2aad ee Maxakamadda Sare (Qaybteeda Dastuuriga ah) waxa ay laashay, diidayna

  1. arjiga ay Maxkamadda usoo gudbiyeen 46
    Xildhibaan ee Golaha Wakiillada JSL iyo goraalka u ku saxeexanyahay Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada JSL ee ku taarikhaysan 21/12/2021, ujeedadooduna
    ahayd codsi ku saabsan fasiraadda Qodobada 78aad, Fagraddiisa 3aad ivo 77aad, Fagradihiisa 5aad ivo 6aad ee Dastuurka JSL ee la xidhiidha dhaqangalka
    kaabista iyo wax-ka-bedelka Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2021, iyada oo Maxkamaddu u aragtay arji nuxur ahaan iyo xeer ahaan midna aanu waafaqsanayn nidaamka dacwad furashada dacwadaha
    dastuuriga ah.
  • Waxa ay oodday gal-dacwadeedkan waxaana la farayaa Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare ee Dastuurka JSL in u dacwaddan ka tirtiro diwaanka dacwadaha dastuuriga ah.

Asbaabaha loolaalay arjigan xildhibaannadu gudbiyeen waxa ay Maxkamaddu ku go’aamisay in codsigaas baalmarsana sharci ahaan hannaanka loo gudbisto dacwada, sababtoo ah:

-In qoraalka codsiga fasiraadda ee Maxkamadda loo so gudbiyay aanu ku saxeexnayn Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu si waafaqsan Qodobka 8aad,
Fagraddiisa 16aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada JSL, Xeer Lr. 01/2021.

  • In arjigu u si toos ah ugu socdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare/Maxkamadda Dastuurka JSL, isla markaana nuxurkiisu u yahay codsi fasiraad arrintaasina ay baal-marsantahay habraaca dacwadaha oo ah in araajida lagu socodsiiyo maxkamadda ay khusayso, Guddoomiyahana lagu socodsiin karo uun wixi arrin maamul ah.

Sidaa darteed Maxkamaddu waxa ay ka garnaqay laba dacwadood oo dacwoodayaal kala duwan u gudbiyeen, kalana ujeeddo ah.
Garyaqaan Ibraahin

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.