Qalooc Iyo Gurac! Qalinka Muuse Jaambiir

0

« Roob ayaa meel ka da’ay, waxgaradka reerkuna wuxuu doonayaa in cidda loo sahamiyo.  Faras baxdow ah oo si fiican u laylyan ayaa diyaar ah.  Farasku kolkuu arko ninkii oo jarihii soo wata, dhalalowda xakamahana uu maqlo ayuu labo goor saa u jalleeci dabadeedna danan iyo wuxuu isku dari dhabarka oo uu yara godo.  Xakamihii ayaa lagu qaban, heensihii ayaa la saari, wagaradka iyo baydda ayaa loo xidhi. Qoobabka ayuu dhulka ku garaaci isaga oo deri isu yeelaya oo dubaaxinaya.  Marka loo dhammeeyo ee uu ninkii fuuli lahaa lugta rakaabka kusii wado, faraskii bootin ayuu ku maqan yahay.  Faraskii oo bootin ku maqan ayuu ninkiina goorada kaga iman. Ninka Faraska fuuli og iyo farasku isma seegaan.  Saynta intuu fidiyo ayuu mar qudh ah boodi.  Haseyeeshee, faras fuulkii reerku waa maqanyay ama waa xanuunsanyay, Awyo kale oo dameer fuul ah ayaa kaalinta ku jira. Mid ka mid ah ayay duqda reerku odhan, waar adba ku bood. Siduu ugu boodi.  Sida ninkaa kore uguma boodi karo ee waa in gadhka loo xejiyo oo rakaabka suulka loo geliyo.  Qudhiisa waa in kor loo qaado oo uu bog shabeelayn ku fuulo.  Xakamihii ayaa gacanta loo gelin oo la odhan   waa ku kaa ee dhaqaaq.  Faraskii bood ayuu is odhan saa maquuska ayuu dib ugu dhufan, labada gulubina tartaraduu ka gelin.  Waa wax aanu waligiiba arag.  Waa lagu joojiyay ayuu faraskii is odhan oo wuu istaagi.  Kolkaa ayuu jeedalka ku rogi,  maba aanay is fahim faraska iyo awga cusubi.

Kolka is afgaran waagaasi soo noqnoqdo, faraskii labada hore ayuu laaban, labada dambena wuu isku taagi, saynta ayuu balloolin oo wuxuu isku dari danan iyo madaxa oo uu ruxo.  In taagnidiisa loo daayo ama ha afarqaadee la fasaxo ayuu rabaa, awga dameer fuulka ahina wuxuu is odhan haddii farasku kula boodo waad ka finiini.  Faraskaa jaro gariir baa ku dhaca.  Maalin labaad haddii sidaa lagu celiyo wuu xarraamayaa oo wixii la baray ee uu yaqaanay oo dhan wuu ilaawayaa, ka tegayaa, dib dambena uma laylyamo. Haddii uu wadada ku arko saalo ama xaab yar oo yaala maquuskiibaa lagugu dhufan ayuu is odhan kolkaa ayuu isagoo ganan hal mar dib isu rogi.  Xagguu ka yimid ayuu 30 mitir u boodi, ninkiina dhinicii uu farasku kasoo noqday ayuu 30 mitir hawada sii socon. Kaasi waa ku daayay, dabeecaddaa ka xumaatay, nidaamkii uu ku shaqayn jiray oo dhan ayaa burburi,   Kolkaa rajadaadu waa in aad ubadkiisa laylyato, isna dhaqan dambe loogu noqon maa. Khaladku Faraska maaha ee waa Awga fuulay ee aan loo jara barin. Ninka fuulimaadkiisa u laylyan iyo Farasku way is af yaqaanaan.

Markaa qoyskaasi wuu khasaari, raxmaddii hoortayna wuu seegi, saamigoodu wuxuu noqon inay  ooshoodu abaartaa ku negaato. Waayo, faraskii wuu ka xarraamay, xarraankana tala xumaa keentay.

Aan sii falkino hordhacan geedaysan, ee xulashada kelmedaha lagu aslay xusuusta u yihiin hodantinimada afka. Waa waslad aan ka soo dheegtay tafsiir dhinaca eray bixinta ah oo uu ilaahay ha u naxariistee abwaankii Cabdillaahi Macalin Dhoodaan ka bixiyay erayga “Xarraan” oo horjooge u ahaa gabay ka mid ahaa gabayadiisii. Abwaan Dhoodaan gabayga uu eraygani ka midka ahaa oo la yidhaahdo, “XULUB SOCOD”, wuxuu tiriyay xilli duniddu u qaybsanayd laba quwadood(bari iyo galbeed). Waxay dulucdiisu tilmaamaysay, ummad si fiican u hanaqaaday, leh xeer dhaqameed iyo  mid diimeed oo ka madhan faldanbiyeed iyo musuqmaasuq, balse ay hoggaan u noqdeen dar aan xeer lahayn, waayo aragnimadooduna wasakhaysan tahay, isla markaana taasi doorisay(xarraamisay) dadkii qummaatiga u jarabaxsanaa.

Dawladdu waa xafiis. Xafiis baa dadka u adeegi. Muraad baad ka yeelan, muunidaad toosi, waad ku tawsiin. Kadin hayaa ku joojin, xoghayaa u leexuu ku odhan, isagii/iyadii baad u tegi, dantaadaad u sheegi, wasiirku maanta dadka ma qaabilayo ee dharaar kale soo laabaa lagu odhan, adoo niyad jabsan baad noqon.  Aroortii kale waa tan, bartii baad ka bilaabi, intii shalay lagu yidhaa lagu odhan, adna waad yaabi, haddaanu shaqadiisa qabsanayn ninkani muxuu qabtaa baad odhan, adigoo yarehe xanaaqsan, mooyi baa laguugu jawaabi, ilaaqduba halkaasay ka bilaaban, waad arkaysaa inuu fadhiyo, misana ma ogola in loo galo, dadku wuu iska tubnaan, siday u hor dhakoolaan bay iska laaban. Subaxda kalaad ku kalihi, wasiirraa kula jirraa lagu odhan, kama soo baxayaan baa kuu xigi, iyana hawl ma hayaane sheekay waqtiga ku ridi, markay ogaadaan in dadkii u soo muraaday rawaxeena, guryahoodii bay aadi. Libdhaba siday mid kale kuugu dhiibaysaa waqtiguba ordi, saakana waramaad odhan, ganacsataa kula jirtaa laguugu jawaabi, maalinta xigtaad iman, ma joogo ama ma shaqaynayaa lagu odhan, awal ma shaqayn jiraad warsan, waa lagugu qosli ama qaylaa laguugu jawaabi, waryaa alle garanaya,  Haddaan lagu garan, maal laguugu xillan ama magac laguugu xeeban, warqaddaa saxeexeedu billo ama sanadduu  kugu qaadan.

Haddana dawlo waa taasaa lagu odhan. Maaha baad odhan, weeye baa laguu celin.  Madaxnimadu waa in dadka laga dhuunto oo lagu doon doono baa lagu xijin, dawladnimadu waa madax deeq ee mijo deeq maaha baa laguu raacin. Siday madaxdu doonto baa sharciya baad haddana maqli, musuqu waa astaamaha dawladnimadaa lagu ladhi, beentaasaa dawlo la odhan, budhcad meel la dhigay bay xafiis badowdu moodi, marka xaalku sidaa noqdo, talladu way xarraami, aw taamis iyo barroor diiqna kama baxdo. Marka qaloocu sii gaamuraba, dawadu way sii durki.  Dhalashadeedii Maandeeq gurac baa gardaadshay, qalooc baa hogaanka u qabtay, gurac baa bedeli gurac, Weligeedba sidaasay soo ahayd, haddana tahay. Taasaa u dawlo ah, sidaasay ku socotaa, la yaab taana kuma laha, wax ka duwanba may arag, toosiye tilmaan wacana hore umay helin, haatana haybintiisii hadday geli lahaayeen, sumadiisu mooyi, maba garanayaan. Hadba qollaa u faashan,  qabiilkaa u garasho ah, caymiskoodu waa kaa, faankoodu waa isaga, dhaartoodu waa taa. Qalooc baa u dawlo ah, in dib loo cesho oo loo jarabaxshay weli goobi.

Qalinka: Muuse Jaambiir

Xigasho: Dhoodaan iyo Xasan Maxamed oo tafsiirka

erayga “XARRAAN” ka qoray Abwaan Dhoodaan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.