Qadar Oo Mashaariic 200 Milyoon Oo Dollar Ah Ugu Deeqday Somalia

0

Muqdisho(Sayruuq)-sanduuqa horumarinta dalka Qadar ayaa heeshis la saxeexday wasaaradda qorshaynta Somalia,mashaariicna u fulnaysa ay ku taageeratso dalkaasi,waxay u fulin doontaa mashaariic dhanka dhisidda wadooyinka iyo dhismayaasha dowladda iyo binaynata goobo waxbarasho oo lagu fulin doono lacag dhan 200malyuun oo dollar .

Khalifa binu Jaasim oo ah maamulaha sanduuqa horumarinta dalka Qadar ayaa sheegay mar u shir jariid oo ay wada qabteen wasiirka qorshaynta Somalia ku sheegay in ay heshiiska ay wada saxeexdeen ay ku fulin doona dhismayaal xaruma dowladeed ah iyo dhisidda wadooyin isku xidha caasimadda Muqdisho iyo deegaanadda waqooyiga ,wadaadisi oo dhan 120 klm.

Wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Xasan ayaa geestiisa isagu soo dhaweeyay  heshiiska ay wada saxeexdeen sanduuqa horumarinta Qadar waxaanu sheegay in ay mashaaricdani fursad weyn u noqon doonto kobaca dhaqaalaha somalia iyo fursado shaqo oo laga helo ha`aydaha Khayriga ah ee dalka Qadar ,waxaanu tilmaamay in mashaaricda qaarkood hore looga fuliyey somalia kuwa kale dhimana ay filayaan in hore ay ka bilaabmaan.

Isku soo wada duubo heshiiska maanta Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Raysal wasaaraha somalia Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda dhinaca kalena waxaa ku wehlinaayay gudoomiyaha sanduuqa horumarinta Qadar iyo wafdigiisa oo aroortii hore ee saaka yimid somalia.

Sayruuqnews

Xafiiska Hargeysa

contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.