Qabanqaabada Doorashada Hogaanka Ururka SOLJA Oo Madmadow Hadheeyay Iyo Waxyaabaha Ka Khaldan

0

Hodhac

Ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo todobaadka dambe qabsan doona shirweynihi 6aad ee lagu dooran doono hogaanka cusub ee saddexda sano ee soo socda hogaamin doona siyaasadda ururka ayaa cagta saaray dhabihii hore ee is kooxaysiga.

Shirweynaha ay SOLJA qabsan doonto marka laga hadlayo cida xaq u leh inay timaado waxay ahayd cid kasta oo fursad u heshay kaadhka casuumada ee maaha inay xaq u heleen dadka sida gaarka ah farta loogu fiiqayo ee ka imanay xarumaha warbaahinta (Media Houses). Hadiiba ay dhacdo sida hada lagu wado in cid gaar ah ergay laga dhigto ma suurto gali karto in la doorto hogaan cusub.

Ururka SOLJA sanadkii tagay wuxuu suurto galiyey in la sameeyo nidaam lagu diwaangelinayo saxafiyiinta Somaliland si loo aqoonsado, isla markaana meesha looga saaro in cid kastaa sheegato suxufi ama haay’ad warbaahin oo aanay ka shaqayn, isla markaana qof kasta oo kaadhka SOLJA qaata uu noqon doono ergay si rasmi ah uga soo qayb gali kara shirweyne kasta.

Sababta loo xulayo ergooyinka

Ergooyinku sida loo aqoonsan yahay waa inuu noqdaa xubin rasmi ah oo ka tirsan ururka, isla markaana aqoonsan jiritaanka iyo sharciyada ururka, hase ahaate ma noqon doono qof aan diwaanka ku jirin, taasi waxay dhici kartaa marka la doonayo in la majaro habaabiyo doorashada hogaanka sare. Solja waxay xaq u leedahay inay soo  magacawdo guddida qaban qaabada ee xaq uma laha inay soo xusho ergooyinka. Ergooyinka waxa lagu soo xulayaa in qof kasta oo ku jira SOLJA loo diro farrin ama hadal hadba sidii lagu heli karo, iyada oo lagu wargelinayo in uu qabsoomi doono shirweynihii ururku. Ergay kasta isaga ayaa soo dhiibanaya codsigiisa, waxaana lagu dooranaya ma yahay ergay sax ah oo diwaan-gashan, haddii aanu ahayn lama aqoosan doono, sababta ayaa ah inaanu xubin ahayn.

Fadeexadda iyo Ceebta

Ururka SOLJA wuxuu ku ceebaysan yahay inuu sameeyo tiro ergooyin ah oo aan ahayn kuwii saxda ahaa, ujeedada taas loo samaynaa waxa weeye cabsi ay qabaan xarumaha warbaahintu, waxa meesha ka baxaysa danihii gaarka ahaa ee ay xarumaha warbaahintu ku qabeen xubinta ay ku dhex yeelanayaan hogaanka sare. Awoodaasi waxay keentay in xarun kasta oo xubin ku leh SOLJA dhexdeeda haddiiba ay dhacdo cabudhin iyo handadaad in shirgudoonka SOLJA uu gar iyo gardarraba garab istaago xaruntaas.

Shirgudoonka loo xil saaro qabashada shirka ee laga dhex doorto madasha shirweynaha waxay ku kacaan qaladaad aan suurto gal ahayn, waxa dhacda in dad gaar farta loogu fiiqo inta lagu gudo jiro wakhtiga nasashada, waxana la sameeye dhawr qof oo marka codka la dhiibanayo loo diro tirinta codka, iyaga oo qofka la doonayo mooyaane qof kale aanay cod badan siinin, ka cod badan hele tiro yar ayaa loo soo gudbiyaa, aakhirka waxa soo baxa inta qof ee la doonayo, taasina waa xaaraan iyo ku shubasho badheedh ah.

Hadaba, shirka SOLJA ma noqon doono mid u qabsooma cadaalad. Xubin kasta oo haysata kaadhka aqoonsiga suxufiga ee SOLJA waa ergay, waxaanu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto. Waxa mudan in laga digtoonaada majaro habaabinta iyo afduubka lagu  maamulayo shirweynaha oo u muuqda mid ay iska kaashanayaan hay’ado warbaahineed oo raba in ay wakiillo ku yeeshaan hoggaanka iyo isla hoggaanka hore oo u xusul duuban sidii uu u soo noqon laha.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.