Qaarka mida Mucaaridka Itoobiya oo saluugay Qado sharaf Obama loo sameeyey

0

Addis Ababa (Sayruuq) Sida ay warbaahinta Dalka Ethiopia, hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Blue Party, ayaa iska diiday ka qaybgalka Qado-sharaf loo sameeyey Madaxweyne Obama oo Halkaas safar ku joogay,iyadoo munaasibadda qadaduna ka dhacaysay Madaxtooyada.

meaxHogaamiyaha xisbiga Semeyawi, Yilikal Getnet, ayaa sheegay in uu go’aankiisa ku saleeyey kadib markii uu ogaaday in Obama taageeray xisbiga talada haya oo uu [Obama] sheegay in si sharci ah loo doortay. Waxaa kale oo hogaamiyaha mucaaradka sheegay in ayna la qumanayn ka qaybgalka qado lagu bixiyey kharash fara badan xilli ayaa maaliyiin reer Itoobiya ahi silicsan yihiin.

Warkan oo lagu faafiyey mareegaha wararka ee taageera mucaaradka ayaa xaqiiqnimadiisa shaki laga muujiyeymarkii hore, hasayeeshe wakaalada waraka ee Reuters ayaa soo xigitay wargeys ka soo baxa Itoobiya oo lagu magaacabo Negere Ethiopia kaas oo sheegay in uu la hadlay hogaamiyaha xisbiga Semeyewi.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo madax ka tirsan mucaaradka Itoobiya ayaa saluugay sida dabacsan ee Obama u soo qaaday arrimaha xuquuqda aadanhaa ee Itoobiya.

Dhanka kale, la-taliyaasha Obama ayaa sheegay in madaxweynuhu si gaar ah iyo si fagaare ahba ugu sheegay madaxda Itoobiya in ay hagaajiyaan dimuqraadiyada dalka. Waxa ay la taliyaashu ku andacoodeen in xukuumada Itoobiya qirtay in ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto ama la saxo.

Obama ayaa la dhacay siyaasada dawlada ee ku aadan cidhib-tirka saboolnimada iyo ka hortaga argagixisada, gaar ahaan ururka Alshabaab ee ka  jira Soomaaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.