Qaabkii Ninkii Sixiroolaha ahaa Hargeysa u Sixray iyo Sida Uu U Midideeyay Dadkii Uu Hantida ka Dhacay.

0

Dr Abdifatah A. Kalil ayaa waxa uu laffo guray habkii ninkii hargaysa wax ku sirxay uu u madiideeyey gabadhii uu lacagta ka dhacay. Waxa uu yidhi Dr axmed sida tan soo scota.

“Sheekadani waa mid aduunka oo dhan ka dhacda. Maaha sixir ee waa tachnique la barto si dano gaara loo fushado.

Wuxuu isticmaalayaa habkan.

1. Gabadha wuxuu ku afuufay Scopolamine sun la yidhaa oo ka baxda dhir wadanka colombia ku taal. Suntani oo sidoo kale loo yaqaan (Devil breath) Neeftii shaydaanka. Waxay qofka ilawsiiisaa wixii ka dhacaaya waaqaca markaasi ku hareeraysan, waxa kale oo ay qofka ka qaadaa Xasuusta, balse Miyirka iyo xaragada midna ka tagi maysid. Wax kasta oo uu kuu diro waad yeelaysaa. Markay kaa baxdo suntu hadii lagu waydiiyo hal shay kama sheegi kartid wixii dhacay. ogow oo Tiro kasta iyo meel kasta oo qarsoodi kuu ahayd ee hanti kuu taalay adigaa ka caawiyey.

2. Wuxuu u soo labistay sidii qof diimeed(sheekh): waxay og yihiin in dadka soomalidu aanay kala saari karin personalityga(shaqsiyada qofka) iyo spiritualityga(iimaanka). Dadkeenu qofka sida wadaad u la bisan waxa ay u haystaan qof aamin ah!.

3. Dadka wuu iska eegayaa: waa run oo ma rabo in wiilka shaqaalaha ah ama macaamishu ogaadaan ninka lacagtii iska gurtay.

4. Dumarka ayay aad u eegtaan maadaama oo sensory receptors ka(dareen qaadayaasha) dumarku aad uga dareen qaadasho badan yihiin kuwa ragga oo maadadu si fudud u gali karto jidhkooda.

Waxaa lagaga hortagi karaa marka la qabto in lagu qasbo in uu sheego cida uu u shaqeeyo, si looga sal gaadho halka ay silsiladu ka xidhantahay. Kii lagu qabtana ciqaab dheer la siiyo. xeerka ciqaabta guudna lagu daro mudada la xidhaayo qofka Scopolamine lagu qabto isagoo istic maalaaya.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.