Putin Iyo Erdogan Oo Wada Jir U Cambaareeyay Go’aanka Trump

0

Ankara(Sayruuq) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa socdaal siyaasi ah ku galabixiyay Waddamada saaxiibka dhaw la ah Maraykanka ee ku yaalla bariga dhexe. Mr Putin ayaa socdaallo kedis ah ku tagay Masar, Turkiga iyo Suuriya, halkaas oo u ku macasalaameeyay ciidamadiisa Suuriya oo uu dib ugu celinayo dalkoodii.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga waxaanay wada jir u dhalliileen go’aanka dalka Maraykanku ku doonayo in caasimadda Yuhuudda laga dhigo magaalada la haysto ee Qudus.

Ruushka iyo Turkiga labaduba waxay u arkaan go’aanka Maraykanku Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’iil mid aan caawinayn xaaladda gobolka Bariga dhexe.waa mid curyaaminaya gobolka meeshana ka saaraya rajadii nabadda,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay rabshadaha ka dhashay go’aanka Maraykanka oo sababay in dad Falastiiniyiin ah ay waxyeeloobaan markii ay isu soo baxyo sameeyeen. Waxa uu soo dhaweeyay mawqifka Ruushka. Go’aankan ayaa cadho ka abuuray dunida Muslimka sidoo kale Midawga Yurub Ayaan taageerin go’aanka Maraykanka.

Dadka siyaasadda Bariga dhexe falanqeeya ayaa socdaalka Madaxweynaha Ruushka ku sheegay mid uu kaga faa’iidaysanayo go’aanka la dhibsaday ee Donald Trump islamarkaana uu ku kasbanayo isbahaysigii Maraykanka ee Bariga dhexe.

 

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.