Prof Samatar Oo Taageeray Baaqa Shacabka

0
Prof Samatar Oo Ogol In Uu Noqdo Wasiirka Khaarajiga
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku baaqay in la dhagaysto baaq ay dhallinyaro boqol ka badani toddobaadkan soo saareen.

Prof. Samatar ayaa farriin email ah oo uu u diray dad tiro badan oo uu sidoo kale raaciyay muuqaalka dhallinyaradaas baaqa dirtay, oo uu ku qoray luuqadda Ingiriisida, ayaa wuxuu ku yidhi “Maalinta xus u gaarka ahi waxa ay ka mid tahay xilliyada ugu haboon ee la sameeyo dabaal-deg iyo is-naqdin caqli ku dhisan oo lagu qiimeeyo wixii tegay, joogtada iyo mustaqbalka. Waxa ay tani muhiim u sii tahay bulshada si dhab ah uga walaacsan xaaladda baraaruga shacab iyo sida ay u hawlgalaan hay’adaha dhexe.

Kuwani waa qaar ka mid ah codadka yididiilada leh ee dhalinyarada Somaliland. Waxaan u arkaa inay qiimo badan leedahay in la dhegaysto oo si maangal ah looga fekero walaaca ay qabaan.”

@Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.