Prof Cabdi Cali Oo Soo Bandhigay Shakhsiga Ugu Dhaw Madaxweyne Biixi

0
Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Laga Sugayo

Prof Cabdi Cali Jaamac oo hore uga mid ahaa xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa shaaciyay shakhsiga ugu dhaw ee madaxweyne Biixi talada ka qaato oo uu tilmaamay in uu sabab u ahaa iscasilaaddiisii..

Qoraal Prof Cabdi Cali arrintan kaga hadlay ayaa sidan u dhigan:-

Gujiska ugu Dhaw Odayga!!!

Afeef: ninku haddii uu gurigiisa iska fadhiyo ama meheraddiisa iska haysto, sharci ahaan waa kiis haddaad soo hadal qaaddo, oo warbaahinta ka sheegto, laakiin ninku hadduu faraha la soo galo ammuuraha caamka ah (Public) ga ah, Mediaha waa laga sheegi karaa.

Gujiska ugu dhaw odayga waa ninka la yidhaa Abdi yusuf Aar, ee ku gabada ganacsiga!!! anigu ma garanayo caqliga iyo cilmiga laga waayay qaranka dhan ee laga dugsanayo inankaas.

Waa ninkii ka danbeeyay isku dhicii aniga iyo xukuumadda min bilaw illaa dhammaad. Ilaahay iyo isaga ba waan ku mahadinayaa in waqtigii ku habboonaa iyo sidii ugu fiicnayd aan uga tegay xukuumadda; xikmad wayn baa ku jirtay in aanan ku soo gaadhin xilligan anigoo ka mid ah xukuumaddan!!!

Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.